Posts

Showing posts from March, 2025

Dool

Image
F iraaqo badan caajiska ka dhashay ayaa nolosha oo dhan u eekaysiiyay mid macnadarro ah. Wax uu qabto ma uu garanayn, ama maba rabin in uu wax qabto. Hadal badan oo bilaa nuxur ah, dood madhalays ah iyo muran aan dhammaad lahayn wax aan ahayn lama hayo. Si fudud bay ruuxdiisu isugu qancisay in maalmuhu is ku mid yihiin— aduunkuna madhnaan khiyaal ka buuxo yahay. Aakhiro u shaqayso ayuu is kula faqay. Cod kale ayaa kula doodaya duniduba waa u shaqayso si aad ugu noolaato. Fikir kale ayaa burqanaya. Badwayn kale oo xasuuso iyo tagto ah baa maanka soo harraatiyaya. Barta khiyaalka iyo xaqiiqadu ku kala baydhaan dhexdeeda ayuu ku haftay. Janno iyo cadaab in uu ka la dhexjoogo buu isku qabtay. Rejadii meeday? "Eebbow faraj khayr qaba ii fur, oo i solansii dareen togan oo aan ku dhawro sugitaanka wax wacan." Ayuu uurka iska yidhi. Quustu waa dil oo waxba kaga ma duwana toogashada tiirka la isu soo taago. Curashada dayrta ayaa bilaw ahayd. Cirka waxa is goglay daruuro sida roob, rej...

Cawayskii Bedbaadada

Image
Had iyo jeer waxa lagu canaantaa, ama lagu la kaftamaa in uu yahay goonni socod. Isna iskuma hawlo in uu jawaab ka bixiyo. Goobaha cawayskana lama yaqaanno xili uu doodaha socda wax hadal ah oo macna leh ku darsado. Isaguba ma xasuusto goor uu si maanfuran uga qayb galo waxa ka socda meesha uu markaa joogo. Laakiin, in uu qayb ka noqdo waxa ka horreeya in uu wax dan ah u arko. Waa dandarro iyo macna la'aan buu ku gaabsadaa. Berigii hore waxa uu ahaa sidan lidkeeda. Waayihii Dugsiga waa uu heesi jiray oo madadaaliye la jecel yahay buu ahaa. Golayaasha asxaabtana waxa uu ahaa hormuud sheekatabiye ah. Aftahan buu ahaa. Goor se ay waxaasiba isbedaleen oo uu jaad kale noqday ma yaqaanno. Si shil ah ayuu dabcigiisu isu dhalanrogay, haddii la ga tagi waayo-waa uu yaqaannaa waxyaabo sababay-ma se jecla in uu ka warramo. Afkaba daahiisu waa dibnaha, hadalkuna inta uu laabtaada ku jiro ayuu ilaalin mudan yahay buu kaga gudbaa. Da'du waa xil iyo masuuliyad markasta oo ay korodhana waxa la...

Ergadii Furqaan

Image
Taariikhda iyo dhacdada tagtada ku biiray in la soo tebiyo oo dadku u bogaan sideeda ayay u adag tahay, waxa ay se ka sii adag tahay marka ay suugaan ku sheekayn noqoto ee Gabay ama Maanso lagu soo warinayo wixii dhacay. Waa uun kala duwanaantii tixda iyo tiraabta oo in wax lagu sheegaa midna way adag tahay midna way fududdahay. Qofka xilkaa isa saara ee awoodiisu tusto in uu hawshan gudan karana waxa la gudboonaanaysa in uu taxo waxkasta oo dhacdada uu ka warramayo ku lamaan oo taariikhdaa oo saxar tiran soo gudbiyo. Haddaba, Hadraawi waxa aynnu odhan karnaa waxa uu buuxiyay kaalintaa oo waxa uu habsuugaaneed ku too tabiyay imaanshihii Rasuulka SCW, macnaha iyo ujeedka farriintii uu siday, wixii uu la kulmay iyo sidii uu uga gudbay. Hadraawi, kolkii uu qasiidadan qoray waxa sii qurxiyay laxanka uu jiir saaray oo isna ku qotoma dhadhanka iyo farriinta ay maansadani gudbinayso. Cabdilaahi Sulfa, Jiir oo wax ka qaadaya iyo Maryama Muudeey ayaa iyaguna codad aan kala dhicin ku gudbiyay fa...

Faallo ku saabsan buugga 'Doolaal'

Image
Buuggan "Doolaal" waxa qoray Maxamed Yuusuf Bidhiidh, oo 'Badda' la gu naanayso. Buuggu waa xasuusqor uu qoraagu kaga warramayo wixii uu u soo joogay, halgan nololeedna koobsanaya. Waxa uu ka warramay bilawgii Hargaysa, sida ay noloshu ahayd iyo waayihii ku xeernaa. Waxa kale oo uu qoraagu sawir fiican ka bixiyay sida ay ku bilawdeen kacdoonnadii Hargaysa, Burco, Berbera iyo magaalooyinka kale ee SL ba ka aloosnnaa. Waxa uu qoraagu ka faallooday maalmo badan oo uu u soo joogay oo dhalinyaradii ay isku xaafadda, iskuulka iyo magaaladaba ahaayeen qaarkood la dilay, kuwo la xidhay, kuwo kalana duurka galeen. Qoraagu dhacdooyinka uu soo tebinayo waxa ka mid ah dhagaxtuurkii Hargaysa iyo 1982. Isaga oo xiligaa ahaa arday dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii dhacdadaa u soo joogay ee ay xasuustooda ku kaydsan tahay. Xiligan, Feebarwari 1982, waa maalintii UFO la horkeenay maxkamaddii "bedbaadada" taliskii milatarigu ula baxay. D...