Faallo ku saabsan buugga 'Doolaal'
Buuggan "Doolaal" waxa qoray Maxamed Yuusuf Bidhiidh, oo 'Badda' la gu naanayso. Buuggu waa xasuusqor uu qoraagu kaga warramayo wixii uu u soo joogay, halgan nololeedna koobsanaya. Waxa uu ka warramay bilawgii Hargaysa, sida ay noloshu ahayd iyo waayihii ku xeernaa. Waxa kale oo uu qoraagu sawir fiican ka bixiyay sida ay ku bilawdeen kacdoonnadii Hargaysa, Burco, Berbera iyo magaalooyinka kale ee SL ba ka aloosnnaa. Waxa uu qoraagu ka faallooday maalmo badan oo uu u soo joogay oo dhalinyaradii ay isku xaafadda, iskuulka iyo magaaladaba ahaayeen qaarkood la dilay, kuwo la xidhay, kuwo kalana duurka galeen.
Qoraagu dhacdooyinka uu soo tebinayo waxa ka mid ah dhagaxtuurkii Hargaysa iyo 1982. Isaga oo xiligaa ahaa arday dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii dhacdadaa u soo joogay ee ay xasuustooda ku kaydsan tahay. Xiligan, Feebarwari 1982, waa maalintii UFO la horkeenay maxkamaddii "bedbaadada" taliskii milatarigu ula baxay. Dad kale oo badan oo shacab ahina dhagaxtuurka u bilaabeen si ay dilka UFO lagu fulinayo uga hor tagaan. Hase ahaatee, amarka Geelle waa uu fulay maalinkaa.
Sida uu qoraagu xusayo, UFO waxa ku midaysnnaa aqoonyahan, ganacsato iyo dhalinyaro kala qabiil ah. Waxa se ay ka midaysnnaayeen horumarinta Hargaysa. Nasiibdarro, dadkii muwaadiniinta ahaa ee hadafkaa lahaa waxa lagu tuhmay qaran dumisnnimo iyo in ay dalka lid ku yihiin.
Habdhaqankii dawladdii kacaanka ayuu qoraagu meelo badan innagu barayaa. Tusaale, mar xiliyadii uu ardayga ahaa isaga oo warmooge ah la xidhayo iyo sida nin sarkaal ah oo uu waayeelnnimo ku tuhmay una cawday ula dhaqmayo. Markale iyo Xamar oo uu waxbarasho jaamacadeed u joogay waxyaabihii uu kala kulmay oo iyana shaacsane markaa jiray ahaa. Dhanka kale, waxa uu qoraagu xusay safarkiisii waxbarasho ee Talyaaniga oo isna saamayn nololeed oo qotodheer ku yeeshay.
Qoraagu waxa uu xusayaa dhacdooyin xiligaa iyo imikaba mahadhooyin ah. Waxa ka mid ah xukunnadii kala duwanaa ee dilka iyo Xabsi daa'inka isugu jiray ee waayahaa Hargaysa iyo Burco la ga fuliyay. Bishii Maaris, 1984 September, 18, 1984, 17 Noveenber, 1984 iyo 20 December baa ka mid ah dhacdooyinka. 11 muwaadin oo aan waxba galabsan, 37 qof oo kale, 45 qof, 18 kale oo dil iyo xabsi daa'in xukunkoodu isugu jiray, intaba qoraagu waxa uu xusayaa in uu u soo taagnnaa oo kuwo badan oo ka mid ahi xasuuso uu dhibsado ku reebeen.
Taariikhda uu qoraagu habka xasuusqorka ah u soo tebinayo, waxa aynu ka dhex arkaynnaa in ciddii ugu badnayd ee kacaanku cadaadiska xooggan saarayay ay ahayd ardayda. Si kalana dhalinyarada. Maxaayeelay, waxa jiray ururro ardaydu ku midaysnayd oo loo ga cabsi qabay in ay saamayn yeeshaan. Ururradaa waxa ka mid ahaa SSM (Somali students movment) oo uu qoraagu ka mid ahaa dadkii ku midaysnnaa. Bandawga magaaladu waxa uu saameeyay wax kasta oo jiray, xitaa heer la gaadhayo in iskuulada askar la hordhigo inta ay ardaydu ka soo rawaxayso.
Waxa kale oo uu qoraagu ka sheekeeyay sidii uu u jeclaystay in uu mar uun ka baxo dalka. Ciwaan uu u bixiyay "Dhoofkii 1987" ayuu ka ga faallooday caqabadihii ku khasbay in uu ku hamiyo safar uu kaga baxayo Xamar iyo Soomaaliya. Taasna waxa uu kala siinnaa dad badan oo isku aamini waayay dalkoodii, cashuurtii la ga qaadayayna xadhigooda iyo dilkooda loo gu adeegsaday. Waa irridda la ga galo burburka iyo kala daadashada marka dawladda dadkeedu ka cararo ee isku aamini waayaan. Waa dhaqan silloon oo maamul kasta oo maanta jira iyo dawlad kastaaba ku cibro qaadan karto halka ay ku danbayso cabudhinta, dilka, qoqobka iyo kala xigtaysiga shacabku. Waxa cad oo kacaankii, ka hor iyo ka diba dumiya cid walba oo awood maroorsi la timaadaana waa uun intaas.
Ciwaankan uu qoraagu u bixiyay "Dhoof" oo ah mid xiisa gaar ah leh, waxa aynnu si waadax ah uga dhex fahmaynnaa oo sawir fiican ka helaynnaa sida ay ahayd waayahaa qofka reerkoodii ka maqan, dalbtayayda iyo hilawgana ay u dheerayd in deegaankiisii dagaal ka socdo oo dadku in qaxday, in la xidhxidhay, in la laayay iyo in jabhado noqotay u qaybsameen. Waa dareen culayskiisa leh, marka uu qoraagu ka warramayo sidii iyaga oo aan wax xog ah haynin ay badda ugu jiri jireen tobaneeyo casho. Waxbarasho ayay ku jireen isaga iyo saaxiibadii, hase ahaatee, mid waliba waxa uu lahaa qorshe u gaar ah oo ku rabay in uu dalalka yurub mid uun iskaga dhiibo, laakiin, qorshahaa oo awel qarsoodi ahaa waxa ugu horraynta sheegaya Cabdi dheere oo ku wargalinaya in uu walaalkii oo u yimi raacayo. Intii kale, markii ay talada rogrogeen waxa ay iyana go'aansadeen in ay is dhiibaan. Waa dareen guud oo Soomaalidu ka sinnayd waayahaa in la is dhiibo, cabsida ugu waynina waxa ay ka taagnnayd welwelka la ga qabo in dalkii la isku celiyo.
Dhacdooyin sidaa u wada xiisa leh, ayuu qoraagu ku soo gudbiyay buuggan. Sida uu ugu dhiirranayo in uu ganacsi ka bilaabo dal uu ku cusub yahay, ee faa'iidada uga samaynayo, haddana aduunkii uu ururiyay looga dhacayo; waa waxyaabo xiiso iyo xanuun ba leh oo aad ku arkayso buugga. Waa se, qaxii, qaranjabkii iyo aayaxumadii dhacday xiligaa oo imika dhamaantood taariikh ku arooraya, qofka wax ka qora ee u soo joogayna uu macaansanayo xasuustaa qadhaadh ee uu dib u milicsanayo.
Comments
Post a Comment