Ergadii Furqaan
Taariikhda iyo dhacdada tagtada ku biiray in la soo tebiyo oo dadku u bogaan sideeda ayay u adag tahay, waxa ay se ka sii adag tahay marka ay suugaan ku sheekayn noqoto ee Gabay ama Maanso lagu soo warinayo wixii dhacay. Waa uun kala duwanaantii tixda iyo tiraabta oo in wax lagu sheegaa midna way adag tahay midna way fududdahay.
Qofka xilkaa isa saara ee awoodiisu tusto in uu hawshan gudan karana waxa la gudboonaanaysa in uu taxo waxkasta oo dhacdada uu ka warramayo ku lamaan oo taariikhdaa oo saxar tiran soo gudbiyo.
Haddaba, Hadraawi waxa aynnu odhan karnaa waxa uu buuxiyay kaalintaa oo waxa uu habsuugaaneed ku too tabiyay imaanshihii Rasuulka SCW, macnaha iyo ujeedka farriintii uu siday, wixii uu la kulmay iyo sidii uu uga gudbay. Hadraawi, kolkii uu qasiidadan qoray waxa sii qurxiyay laxanka uu jiir saaray oo isna ku qotoma dhadhanka iyo farriinta ay maansadani gudbinayso. Cabdilaahi Sulfa, Jiir oo wax ka qaadaya iyo Maryama Muudeey ayaa iyaguna codad aan kala dhicin ku gudbiyay farriina.
Maansadu waa Siiro. Waxa ay isdul taagaysaa wax badan oo nabiga la xidhiidha. Dhalashadiisii SCW, korriinkiisii, dhimashadii waalidkii iyo marxalado adag nebigana tarbiyadeeyay ayay soo gudbinaysaa. Waxa kale oo ay ka warramaysaa sidii ay dhalashadiisu u farxad galisay dunida oo dabcsan saamayntaa laga garan karo isbedalka dhaqan, dabci iyo diimeed ee uu dunida ku yeeshay. Isaga oo intan xusaya waxa uu Hadraawi leeyahay:
"Nabigii Ilaahoow
Ergadii furqaanoow
Nuurkii islaamkoow
Ayaamaha Ilaahay
Qaar baa astaan lehe
Toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo
Aduunyada xuskaagii
Ololaa ka dhacayoo
Urur wayne goortii
Ugxantaadu bururtaa
Xidiguhu ifeenoo
Dayaxaa ilayskii
Arladoo dhan gaadhoo
Odkodkiyo Hilaacaa
Araggiyo waxmaqalkii
Ashqaraar ku ridayoo
Adoomaha dhamaan baa
Abshir dhaha la yidhi"
Sida aynnu Siirada ku soo barannay, Nabigu aabihii nolol kuma soo gaadhin, hooyadii kolkii ay xijaabatayna waxa soo koriyay oo naaska nuujisay Xalima. Marka la eego sida uu nabiga korriinkiisii ula kulmay caqabadahaa nololeed, oo ay ugu wayn tahay dhimashada waalidkii–malaha caqabad ka wayni ba ma jirto, in qofku gacalkiisa yaraan ku waayo waxa aynnu ka fahmaynnaa sida dhalashada rasuulka, barbaaridiisa iyo abuurtiisaba ay macna iyo ujeed wayn u lahayd. Bal hadda eeg erayadan hoose.
" Aamina bint Wahab baa
Kugu qaaddday uurkoo
Adigoo unkamayoo
Wali soo ifbixin baa
Adoogaa xijaabtoo
Nafta laga aroorshoo
Amrran hooyadaa baa
Umushii ku dhimatoo
Allahay Xaliimuu
Igadh kaaga dhigayoo
Iyadaa lafdhabartiyo
Kugu qaadday adhaxdoo
Abuurtaada nabiyoow
Ulajeeddo wayn buu
Kalahaa ilaahoo
Hadba guri amaanuu
Rabbi kugu ogaayoo
Arrintaada meel buu
Ku ilaalinaayay"
Sida uu Rasuulkuba sheegay, waxa loo soo diray oo ujeedkiisu ahaa dhamaystirka akhlaaqda suubban. Marka aynu ogaanno astaamaha, dhaqanka, dabciga iyo dunwanaagga rasuulka ee dhamaantood wacnaanta iyo hufnaanta ku arooraya; waxa aynnu qiraynnaa in ay islahaayeen dabcigii aynnu ka barannay iyo farriintii uu siday. Markale iyo qasiidada u kaalay:
“Xaqa kama ajoodow
Runta kama adkaystow
Ammaanada ma lumiyow
Dadka uma abtiriyow
Ammaantaada Nebiyow
Afku koobi maayee
Waxaad olol bakhtiisiyo
Waxaad eedo reebtiyo
Waxaad iin daweysiyo
Waxaad eel bogsiisiyo
Waxaad aafo damisiyo
Illinkaad bannaysiyo
Dhaqankiyo asluubtiyo
Iimaanka sugan baa
Dadku kaaga aayee
Axdigaagu waa tiir
Ummaddaadu mudan tahay."
Markii uu rasuulku quraysh ula yimi in ay baadil ku suganyihiin, waxa ay caabudaanna ay qubaan oo diinta Islaamka qaataan wixii ay kaga falceliyeen iyo dhibaatayntii meelo badan baa la gu soo wariyay. Carruur iyo cirroo le, waxa ay ku hawlanaayeen in ay iska caabiyaan oo dhegaha ka furaystaan farriintaas, oo sida la fili karo ay dareemayeen in ay lid ku tahay waxa ay markaa haysteen ee diin ahaa iyo caadooyinkoodii kalaba. Haddaba, si aad qodobkan tix ahaan ugu fahanto ku soo noqo qasiidada. Waxa uu leeyahay:
" Urur wayne waataad
Ka akhrisay dhanbaalkee
Umaddoo dhan shirisee
Arrintii dhacsiisee
Inkastood waxyaabliyo
Tustay dhawr astaamood
Waatay adoomuhu
Afar iyo shan mooyee
Kaa aamuseenoo
Iimaansan waayeen
Aayadaha quraankee
Dhegahaa ka awteen
Ula jeedaadii,
Adyaddaa caruurtiyo
Gardarrada Abwaanada
Ushu kuma damqaynnoo
Samirkii ayuub baad
Kaga uursamaydoo
Eedooda waataad
u adkaysanaysay".
Sida aynnu ognahay, Quraysh intii aanu Rasuulku ka soo dhex bixin, waxa ay ahayd umad jahli dilooday oo caadooyin xunxun baa ka dhex jiray. Bulashada qayb ka mid ah, sida dumarka oo kale waa la yasi jiray oo la takoori jiray. Waxa ka jiray dhaqanka in la kala abtirsiin sheegto oo la isugu faano iyo dhaqanno kale oo kakan. Markii se, uu Nabigu yimi ee diinta faafiyay waxaas oo dhani waxa ay ku biireen taariikhda oo waa uu suuliyay si gaar ah tartanka qabaa'ilka oo meel sare taagnaa waxa uu ku yeeshay saamayn wayn oo tusaale ahaan qabaa'iilkii Carbeed ee is dili jiray waxa uu ku wacyi galiyay in qabyaaladdu jala qaybsanaan bulsho tahay ee ay ka fogaadaan, waxa uuna xoojiyay in ay Islaamka ku modoobi karaan.
Haddaba, qodobkan isaga oo Hadraawi xusaya waxa uu yidhi:
" Ummad kala qab waynoo
Anbatoo hallawdoo
Abtirsiimo lumisoo
Utun kala dhex taalloo
Aardoon ku madhatoo
Ashahaado karinoo
Ooduhu dhexyaaliin
Soo ururshihiiyoow,
Dunidoo la iibshoo
Dadku kala irdhooboo
Aabayaal dhashoodii
Nolol aasayaanoo
Qofkastaa itaalkii
Ku adeeganaayoo
Ruuxaan awood layn
La adoonsanaayoo
Dadku ooyayaanoo
Umaltaah ku seexdaan
Nabigii asxaantiyo
Galladiyo abaalkiyo
Soo rogay ammaankoow
".
Nabigu waxa uu boorrin jiray jacaylka, wada noolaanshaha, wanaaggga iyo akhlaada suubban oo inta wanaag jirtaaba ka farcanto. Waxa la soo wariyaa dhawr qiso oo la xidhiidha jacaylka iyo nabiga. Sida qisadii jacayl ee dhexmartay Saynab oo inantiisa ahayd iyo ninkeedii Abu caas. Waxa uu ahaa moodal akhlaaqeed oo dunnida soo maray, raadkiisuna weligii dunnida ka dhex jirayo.
Comments
Post a Comment