Dool

Firaaqo badan caajiska ka dhashay ayaa nolosha oo dhan u eekaysiiyay mid macnadarro ah. Wax uu qabto ma uu garanayn, ama maba rabin in uu wax qabto. Hadal badan oo bilaa nuxur ah, dood madhalays ah iyo muran aan dhammaad lahayn wax aan ahayn lama hayo. Si fudud bay ruuxdiisu isugu qancisay in maalmuhu is ku mid yihiin— aduunkuna madhnaan khiyaal ka buuxo yahay. Aakhiro u shaqayso ayuu is kula faqay. Cod kale ayaa kula doodaya duniduba waa u shaqayso si aad ugu noolaato. Fikir kale ayaa burqanaya. Badwayn kale oo xasuuso iyo tagto ah baa maanka soo harraatiyaya. Barta khiyaalka iyo xaqiiqadu ku kala baydhaan dhexdeeda ayuu ku haftay. Janno iyo cadaab in uu ka la dhexjoogo buu isku qabtay. Rejadii meeday? "Eebbow faraj khayr qaba ii fur, oo i solansii dareen togan oo aan ku dhawro sugitaanka wax wacan." Ayuu uurka iska yidhi. Quustu waa dil oo waxba kaga ma duwana toogashada tiirka la isu soo taago. Curashada dayrta ayaa bilaw ahayd. Cirka waxa is goglay daruuro sida roob, rejo iyo xasillooni.


Isaga oo sidii ugu maqan fikirkaas ragaadiyay ee tallanka u horseeday ayuu waddo dheer oo luuqluuq ah marba dhan ugu baydhay. Wixii uu niyadda ku hayay oo dhan baa laablaabadkii waddada kaga lumay. Cabaar bay ku qaadatay in uu soo ceshado oo dib u hanto doodihiisii madhalayska ahaa. Digaagado hadhuudh loo daadiyay cunaya baa meel u dhow sawaxan ka abuuray. Oday quudintooda ku shuqlan baa soo eegay oo salaamay. Wuu ka qaaday. Waa oday Cawil-dheere oo uu yaqaanno tan iyo carruunimadiisii. Qurbaha ayuu ku maqnaan jiray oo marba ka iman jiray. Dhallinyarada uu isagu ka mid yahay iyo dadka xaafadduba siyaabo kala duwan bay u qiimeeyaan joogitaanka halkan ee Cawildheere. Dadka waawayni waxa ay dhahaan: "Odaygu qurbihii buu ku soo dawakhay oo waa la soo tuuray markii  uu hawlgab noqday si dalkiisii loo gu aaso." Dhallinyaradu se, intaa lidkeeda ayay qabtaa oo waxa ay u arkaan; nin soo shaqaystay oo wax soo tabcaday, hadda oo uu da' yahay na ku hawllan in uu aakhiradiisa tacab gashto oo dadka iyo duunyadaba intii uu ka gaadho waxtaro. Waa sababta Khaalid iyo aynigiisu u jecelyihiin in uu u sheekeeyo, iyaga oo waaya'aragnnimo ka taransanaya.


Cabaar kale ayuu sii socday. Roob baa soo daatay. Aagga oo dhan waxa cusleeyay hillaac, onkod iyo biyaha isgarbinaya ee cirka ka soo shubmaya. Xasillooni baa wehelisay. Udgoonka saxansaxadu wuxuu ku riixay in uu u fiirsado awoodaha Eebbe. Laydh qabow baa martay. Neecawda ayuu jeclaystay in uu ku dhex safro. Isaga oo ay qoyeen dhibcihii dushiisa ku dhacayay ayuu soo galay maqaaxida bunka ee Kabitaal. Kursi ayuu qun salka ula helay oo inta uu si deggan u fadhiistay oo koob bun ah dalbaday. Maya e inanka meheradda oo dookhiisa yaqaanna baa markiiba soo hor dhigay. Barbaar badan baa ku sheekaysanaysay goobta. Nolosha qurbaha ayay aad u hadal hayeen. Dhegtiisa ayaa sida magnadka u soo qabsanaysay sheekooyinka ku saabsan qurbaha. Xiisaha uu qurbaha u hayo awgeed, waxa uu niyadda iska yidhi: "Waxyaabaha kugu wayni fursadda ay kugu soo gaadhi karaan way badan tahay." Kabbo aad cantuugo mooddo oo dhamaad ku dhawaysay bunkii ayuu qac ka siiyay. Qadhaadh buu ka dareemay meel fog. Haddana xasillooni kale. Dhadhankiisa ayuu haddana macaansaday. Inta uu lacagtii bixiyay ayuu baxay oo socodkiisii sii watay.


Bishii la soo dhaafay ee Noofeenbar oo dhan waxa uu ku hawllanaa in uu baxo oo Hargaysa iyo bartii uu ku barbaaray ba ka digarogto. Safarkiisa in noloshu adkaatay oo kali ah buu sabab uga dhigayay. Waxa uu ku sii xoojin karaa erayada uu marar badan soo daliishado. "Haddaad nolosha qawaddaan nabad gala e haajira." Hooyadii Xaawa, xitaa wuu u soo qaatay erayadan oo is yidhi ku qanci, balse kama ay yeelin. "Maxaa kaa maqan?" Ayay waydiisay dhawr jeer. "Maxaan haystaa?" Ayuu ku celiyay oo ka ga naxsaday. Dhab ahaan, markaa uun ma aha e, marar badan buu is waydiiyay waxa uu haysto ee uu ku negaan karo. Xaawa, waxa ay ugu dhan tahay in wiilkeeda qudha ee ay dhashay weheshato, oo uu ka agdhawaado. "Kaasaan dunida ka eeganayaa oo in uu xabaashayda ka fogaado ma rabo." Mar ma aha oo laba ma aha inta ay qof iyo qofaf ba ugu warran tay ee dareenkeeda la wadaagtay. Waa xasuusta kali ah ee ay kala hadhay odaygeedii bilcamay, oo markii ay isaga u dhashay ba shil baabuur ku geeriyooday. In uu guursado oo isna nolosha wax uun xasuus ah iska reebo ayay ku waanisaa. waa dhab oo adduun magac baa ka hadha, ayay ku xoojisaa waanadeeda. Waddada gurigooda gasha ayuu soo qaaday. Dhiiqo uu roobkii dhulka sii dhigay buu marba si xeeladaysan uga tallaabsaday. Caawa waxa uu rabaa in uu hooyadii ku qanciyo safarka uu dhawaan gali doono. Hooyadii waa uu jecel yahay, hase ahaatee dareenka hiyikaca ah ee galay waxa ay u muuqataa in uu ka indhasaabayo masuulliyadda uu dayacayo. Gudcurkii jiray oo madawgii roobku ku biiray baa is fidiyay.


Albaab ka samaysan jiingad iyo loox ayay ka furtay. Waxa isu haya masaabiir adag, si la mid ah jacaylka xooggan ee iyada iyo wiilkeeda isu haya. Gurigu waa mutul ka samaysan sarab iyo agab kale oo la tayeeyay. Waa dhismaha ay u badan tahay xaafaddan Daami ee ay afaafka hore ee la ga soo galo ka deggan yihiin. Xaawa, da'da lixdameedyada ayay dhawaan madaxa la gashay. Dhafoorkeeda ayuu waayuhu ka muuqdaa. Daryeel xumo heshay iyo culaysyo nololeed oo isaga danbeeyay baa cimrigeeda dedejiyay, oo sababay in ay awood ahaan liicdo. Dhegaha ayaa cuslaysaaday. Curuqahaa laga hayaa. Ruugaggu si joogto ah bay u kaaraan, oo tamar uma hayso in ay waxbadan socoto ama taagnnaato. Waayaha adag ayay dhibbane u tahay. Dayaca naftiisa ayay ku canaanatay. "Waa xilli danbe, waa gudcur dam ah, roobaa jira; adna xiligaas baad soconaysaa. Xitaa kama fikiraysid xaalkayga iyo waxa aan sii mutay—oo waad ogayd in aan jirranaa." Damiirka ayaa dhibay. Waxa uu is waydiiyay sababta habsankiisa, bal se ma helin wax uu ku qanco, iska daa in uu Xaawa qanciyo e! "Waan iska soo cawaynayay" ayuu u yidhi si maahsanaan leh. Cida ri'yaha roobka ka cabanaya, ayaa si ku tallagal la'aan ah ogaysiis u bixiyay. Xeradooda guriga raacsan ee sarabka ka samaysan ayay hagaajin ugu dhaqaaqday. Isaga miyaa, jirdiinka qolkeeda ayuu kadaloobsaday oo sidii qof war gubayo u dhawray soo noqoshadeeda.


Erayada ayuu ku mergaday kolkii uu damcay in uu hadal u furo. Ixtiraam, mise u damqasho baarrinimo ku dheehan tahay, mise cabsi uu canaanteeda ka qabo; midkee ayuu uga hakaday in uu eray dhaho? "Hooyo, waxaan rabaa in aan tago, oo aan ka faa'iidaysto fursad lagu aadayo Balaruus, ka dibna Boolaan, Jarmalka ilaa Yurubta kale." Ayuu yidhi. Ganbadh yar bay isku qabatay si aanay istaagga uga dhicin. Wacdi bay gashay. Tusaalayaal la xidhiidha cawaaqib xumada ka dhalata tahriibta ayay taxday. Cadho ayaa wehelisay hadalkeeda. "Halkaagan ka shaqayso, guurso oo wax tabco; intaas baan kuugu ducayn oo raali kaaga ahay." Ayay tidhi, oo sii raacisay: "Yaan cid aydaan isku duruuf ahayni durbaan kuu tumin Khaalidow." Guur wuu rabaa, tacabna wuu ku hamiyayaa, hase ahaatee waxa uu u tacabirayaaba waa in uu soo helo labadaas, iyo in uu iyada Xajka geeyo. Isagu ba iyada ayuu wax la rabaa marka naftiisa laga yimaaddo. Saqdhexe ayay ku dhawaatay imika.


Dood waqti dheer ka qaadatay ayay galeen oo isu halceliyeen. Hadda ayay se dibno quustu cuslaysay ku tidhi: "Waan kuugu ducayn haddii aad halkaa ku dhegtay." Hadalkeeda caalwaagga ah ayaa dhibay oo uu la kurbaday; iyadu se waxa ay u arkaysay in uu ogolaanshaheeda ku farxay. Qolkeedii ayay gashay oo fikir iyo tallan ku raagtay. Walaaca iyo welwelka ayaa isu habarwacday oo ku soo xaadiray. Ninkeedii waxa uu ka tegay tegitaan aanu isagu dooran oo qaddarku go'aamiyay; wiilkeeduna waxa uu ku taamayaa mid doorashadiisa ku timid. Xasuusaha tagtada ku lammaan ayaa ka soo fuqay gidaarrada berisamaadka. Nalka ayay damisay, iyada oo xaalku u muuqdo in ilayskii rejadu naaqusayo.


Dadyow dhawr ah ayuu la kulankooda ku shuqlanaa ayaamahan. Sagootin bay isugu imanayeen. Macasalaama iyo khayr la soo kulan. Hadallo muxubadu da'ayso. "Sagootintu waxay abuurtaa jawi ka madhan naxli oo dadka oo dhan baa dareen gacalnmimo kuu muujinaya; waxaa na la mid ah dhimashada." Xaawa ayuu ka maqlay dhawr jeer. Si kal iyo laab ah ayuu ugu raacay. Waano kale ayay u miistay, waaya'aragnimadeedii in uu marjac ka dhigto bay kula talisay. Marxabba iyo guddoon buu yidhi. "Sidii Aabbahaa noqo nin tacab oo shaqaysta. Noqo qofkii uu jeclaan lahaa in aad noqoto. Xidhiidhintiisii, naxariistiisii iyo dadnimadiisii yeelo." Dardaarankaas bay fartay. Sida ay Aabbihii uga warranto marar badan oo hore ayuu la tacajabay. Badanaa oo badanaa qaddarin ay u haysaa ayuu niyadda iska yidhi. Isagu ma yaqaanno Aabihii! Saddex gu' oo kali ah buu jiray markii uu shilka ku dhintay ee samirka laga guddoon saday. Mardhexe ayuu se helay sawir uu lahaa oo ku dhaliyay dareen gacalnnimo oo aanu hore u dareemin. Sawirka Aabbihii wuu jeclaystay, ku farxay oo laabta gashaday sidii uu weheshanayo. Nasiibdarro ma uu sii waarin dareenkaasi oo waxa sawirkii ka gubay macalinkiisii malcaamadda. "Aakhiraa lagu odhan naf soo geli ee gub oo adna ha danbaabin isagana cadaab ha u horseedin." Ayuu si argagax leh ugu yidhi. Wuu gubay oo isaga oo arkaya buu hortiisa ku muudhmuudhay. Wuu ka damqaday falkaas uu sameeyay—marar badan oo danbe ayuu na inkaar u miisay wadaadkii taladaa gurracan siiyay. Haa, may ahayn in uu gubo xasuusta qudha ee uu ka helay aabihiisii uu u eekaa, ee saaxiibadii odhan jireen waa la idin soo kala jeexay. Maahsanaantii buu ku dhex lumay oo dareenkiisaa mawjado xulay. Dardaarankii hooyadii buu dib ugu laabtay, oo mar kale yidhi: "Waad igu ogtahay, hooyo." 


Tobankii Diiseenbar, ayuu ka duulay garoonka Cigaal ee Hargaysa. Soddon sano oo uu hooyadii ka soo agtoosayay, saaka ayay u eegtahay in uu gabi ahaan ba noloshaa lumiyay. "Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyay raacdee." Xaawa ayaa dhahda. Xaqiiqo qadhaadh oo uu is diidsiiyo bay la noqotay. Markii ay kacaysay diyaaraddu waxa uu ku maqnaa ka fikirka waxyaabo badan. Imika oo ay hawada sii gelaysana waxa sida xumad daran u haya hilawga uu durba hooyadii u qaaday iyo cidladii uu kaga yimid. Wuu is dhaafiyay. Maanta u halgan si aad berri Xajka u geyso buu cod hoose isku yidhi. Diyaaraddii waxa ay ku carceertay meel daruuruhu hoos mareen, isaguna na waxa uu u dhexeeyay daqiiqado rejo ah iyo kuwa kale oo quus ah.


Created with DALL·E

Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce