Cawayskii Bedbaadada
Had iyo jeer waxa lagu canaantaa, ama lagu la kaftamaa in uu yahay goonni socod. Isna iskuma hawlo in uu jawaab ka bixiyo. Goobaha cawayskana lama yaqaanno xili uu doodaha socda wax hadal ah oo macna leh ku darsado. Isaguba ma xasuusto goor uu si maanfuran uga qayb galo waxa ka socda meesha uu markaa joogo. Laakiin, in uu qayb ka noqdo waxa ka horreeya in uu wax dan ah u arko. Waa dandarro iyo macna la'aan buu ku gaabsadaa. Berigii hore waxa uu ahaa sidan lidkeeda. Waayihii Dugsiga waa uu heesi jiray oo madadaaliye la jecel yahay buu ahaa. Golayaasha asxaabtana waxa uu ahaa hormuud sheekatabiye ah. Aftahan buu ahaa.
Goor se ay waxaasiba isbedaleen oo uu jaad kale noqday ma yaqaanno. Si shil ah ayuu dabcigiisu isu dhalanrogay, haddii la ga tagi waayo-waa uu yaqaannaa waxyaabo sababay-ma se jecla in uu ka warramo. Afkaba daahiisu waa dibnaha, hadalkuna inta uu laabtaada ku jiro ayuu ilaalin mudan yahay buu kaga gudbaa. Da'du waa xil iyo masuuliyad markasta oo ay korodhana waxa la kora baahida qofeed iyo tayooyinka la ga rabo. Isaga oo taas xasuusan ayaa uu marar badan ku fikiray in qofku inta uu keli yahay ay ka saacidi karto ku mashquulidda wixii raasamaal u leh, kana badbaadin karto wixii loofarid iyo saydhsaydhin ah. Sidaasdarteed buu ugu sii adkaystaa kalisocodnnimadiisa. Waxa uu jecel yahay in uu marwalba wax muuqda qabto, waxa uu u sababeeyaa magaciisa oo hooyadii ayaa Guuleed ugu walqashay. Had iyo jeer, waxa uu ku hammiyaa wixii guul iyo horumar la xidhiidha.
Guriga agagaarkiisa ma dhaafo, marka laga reebo inta uu shaqo ugu maqan yahay meel aan ka fogayn. Maqaaxida Balcad oo aan ka durugsanayn ayaa uu u shaah doontaa marka uu soo rawaxo. Marka uu kursiga soo qaato ee koone fadhiisto, ayuu inanka maqaaxida oo dalabkiisa yaqaannaa ku yidhaahdaa "Guuleed ma kaagii baan ku siiyaa" isaga oo aan dibnnihiisa jawaabtu ka soo dhamaanna soo duldhigaa koob qiiqaya oo xawaash leh. Halkaas ayuu ka daawadaa maalinta galinkeeda danbe ee kalaguurka ah, inta carraabada ah oo qorraxdu horkacaysana indhaha la sii raacaa. Oday Cumar-gadhle oo meheradda leh waa qof sheekayaqaanna oo xariif ku ah in aan laga daalin warkiisa. Suugaanta, qisooyinka heesaha iyo gabayadu waa waxa ugu wayn ee halkan lagu falanqeeyo lagu na dilo waqtiga. Waayo, waxa la qabaa waqtigu haddii uu xog la'aan iyo xer la'aan kugu helo isaga ayaa ku galaafanaya, si aanay taasi u imanin waa in isaga la dilo oo sheeko iyo shaah la isku dhaafiyo.
Caawa in uu caways tago ayuu ku fikiray. Galabta ilaa xalay ba wuu iska dareemayay xiisaha ay ruuxdiisu u hayso kulan iyo meel dad joogo. Qofka uma roona buuqa badan iyo sawaxanku, sidaas oo ay tahay, kama maarmo in uu dood ama sheeko ka qayb galo, haddii ay taasi dhici waydana waxa meesha ka baxa noloshii dabiciiga ahayd; qof dabiicinnimadii lumiyayna wax kaste oo kale si fudud buu ku lumin karaa. Cabaar haddii uu rogrogay, ayuu goostay in uu baxo oo waliba tago goob lagu bulsheeyo, haasaawe loo yimaaddo, dad badan oo isaga oo kale ahina ka buuxaan. Magaca meheraddu waa Kulan. Waa meel xidhiidh la leh shaqada ay bulshada u hayso. Dhisme casri ah oo bilic leh baa loo gu hagar baxay. Dhanka kale, waxa aan ka maqnayn dhismayaal hiddaha iyo dhaqanka la xidhiidha oo aqal Soomaali ugu horreeyo. Xagga hore ee la ga soo galo dhir baa ku taalla oo jawiga ka dhigtay mid nabdoon.
Intii uu jidka soo hayay waxa uu ku jiray muran u dhexeeya isaga iyo naftiisa. Meesha kama heli doontid e, iska noqo iyo maya e horta soo eeg bay ahayd dooddu. Dadka noocba nooca ah ee dhaafaya ayuu ku dhaygagay oo midba waqti uu kaga fikiro siiyay. Carruur malcaamado ka yimi, waayeel carraabo ah, dhalinyaro shukaansi u socda iyo isaga oo waxa uu u socdo aan wali go'aan ka gaadhin ayaa wadada isku waydaaranaya. Isaga oo wali fikirkaa ku maqan ayuu soo joogsaday afaafka hore ee meheraddii uu u socday. Waa uu hanbabaray oo socodka iyo dharkaba hagaajistay, dabadeed gudaha u gudbay oo sidii wax dhuumanaya kursi salka la helay. Sidii uu filayay, meheraddana loo ga bartay, waa cimidh oo meel la istaagaa way yartahay. Dadka joogaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro haasaawaysa oo labalaba u wada fadhiya sheeko xiiso iyo kalgacal weheliyana sidii caanaha u wadaagaya. Quruxdu in qayb laga noqdo bay istaahishaa ee in laga qatanaado ma mudna.
Wali waxa socda dadka soo gelaya meheradda ee caways cusub bilaabanaya. Isagu se waa kaligii. waxa uu ku noolaaday oo durba xasilooni laabtiisa xushay dareensiiyay goobta uu joogo ee dadkeediina heshay. Shaah buu dalbaday oo iska sii watay daawashadiisii, goobta, dadka iyo cirka oo uu marmar jaanis siinayo. Laba dhalinyaro ah baa soo fadhiistay meel u dhow. Laba kale ayaa ka sii jeeda oo dhabarkiisa ka soo lalinaya hadalo muxubadu da'ayso. Kuwa dhiniciisa fadhiyaa waa lamaane wata ilma yar oo aad debecsanaanteeda ka garanayso in ay ubad la jecel yahay tahay. Dhankii aad ka daydaba, waa goob nolol macna lehi ka socoto.
Wax kasta oo u muuqdaa markii ay deganaan iyo xiisa yeesheen, waxa uu xasuusta dib u celiyay dhawr sano ka hor habeen ay isla goobtan ku cawaynayeen isaga iyo gabadh ay sheeko iyo jacayl wadaag ahaayeen. Nuura ayay ahayd. Waa uu hubaa in ay isjeclaayeen oo ay doonta caashaqa wada saarnaayeen. Habeenkaa, nolosha, mustaqbalka, guurkooda, ubadkooda iyo waaritaanka jacaylkooda ayay aad uga hadleen oo falanqeeyeen. Wax codso buu ku yidhi. Iyana wax dalbo bay ku lahayd. Ballankuna waxa uu ahaa in la isu fuliyo oo laga soo baxo ballamahaa. Marar badan, badhaadhuhu marka lagu jiro malaha xallad la la sakhraamo, hase ahaatee muddo ka dib marka uu tagto noqdo waxa uu yeeshaa dhadhan kale oo goonni ah, iyaba waa jaadgoonninimada xasuusta. Hilaw fara badan oo aanu habeenkaa dareemaynnin ayuu caawa gocday. Waa uu hibasha ooyay oo waxa isu weheliyay tallanka guud ee awel ba uu nolosha ka qabay, iyo xasuusta qadhaadh ee meertadu dib ugu soo celisay. Cabaar kolka uu ku fikirka qadhaadhka jeclaystaba, waxa uu dib ugu soo noqonayay jawigii uu martida ku ahaa ee kaligii takoornaa oo uu xoogaa xumadjabin ah ka dayay.
Haddii uu khiyaal jiro waxa abuurma rejo, haddii ay rejo jirtana waxa jira nolol iyo himilo la tamaniyo sidii loo hanan lahaa. Sidaas darteed ayuu khiyaalkiisa u foofiyay oo u sawirtay waxkasta oo qaaya leh, maankiisuna jeclaysanayay, dawaafkaa maskaxeed buu ku jiray ilaa uu ku baraarugay in goobtii cawayska dadkii joogay ba gabaabsi yihiin oo isaga iyo dhawr qof oo kale ku soo hadheen.
Inta uu lacagtii shaaha dhiibay ayuu istusay in uu iska sii lugeeyo oo mijabaxsi iyo sheekaysi ku gaadho gurigii.
Sida la sheego, in qofku kaligii shawro waxa ka dhasha in uu runta isaga tudhin oo wixii uu gabay, wixii uu saxay iyo goddalooliiyonkiisa oo dhan buu runta ku uleeyaa. Isaguna maadaama uu sida caadada u ah inta badan kaligii isla faqo, il buu iskaga gartay oo waa uu mahadiyay qodobkan. Waxa uu sii maray suuqii oo sidii uu ku soo dhaafay u camiran. Hooyooyin sidii ay saaka u soo shaqatageen wali u soo fadhiya buu ka fikiray waayahooda. Rag da' ah oo hooyooyinkaa meel aan ka durugsanayn turub ku ciyaaraya ayuu indhaha ku dhuftay. Danta iyo dandarrada ayuu labadaa ugu kala tusaale qaatay. Haddana, waxa uu ka fikiray in ay raggan qudhoodu walaac iyo waayo qadhaadh oo hortooda yaalla kaga dhuumanayaan khamaarka. Laakiin, noloshuba waa khamaar e, may iyada ciyaaraan, oo safraan, halgamaan ama wax uun qabtaan. Laba khamaar kala doorashoodu maaha talo ee waa in midka wayn ee nolosha ah laga soo dhalaalaa ayuu yidhi.
Dhalinyaro maqaaxi ku sheekaysanaya oo aan hadalka kala sugaynin ayuu sii dhinac maray. Waxa ay ku doodayeen doodayeen qabiilka iyo reeraha. Waxa uu is waydiiyay sida qof tiisu dayacan tahay uu uga hadli karo arrimo kale, sowtii Soomaalidu ku maahmaaday, tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara. Waa shaqala'aanta. Maya e, waa baraarug la'aanta iyo in aanu jirin dareen sheegaya in wax maqan yihiin. Ama, waa dad metalaya in warkoodu cadyahay oo gar iyo gardarraba ay reerkooda wataan. Intaas oo cudur daar buu u sameeyay oo ka gudbay isaga oo aan halxidhaalahaa furin.
Arrimaha Soomaalida ee murugsan baa sabab u ah tayaxumada uu qof waliba gaarkiisa u dareemayo. Qof safar sugaya iyo mid dagaal iyo colaad sugaya baa loo dhexeeyaa. Waxa ay ahayd, waxa la eedo ama natiijo xuni ka dhalato in laga fogaado, hasa yeeshee, halkan waa la gu sii dhiirradaa wixii ba' iyo hoog laga helayo. Dagaallada halbeegyo gurracan baa u yaalla. Waa reer hebel Nabadda waxba kuma leh iyo khayr waxba kuma yeelo e’ shar u toog hay. Dadku qarrannimada way jecelyihiin, waxa ay se kalsooni buuxda ku qabaan reernnimada oo qabkooda sare u qaadda. Hase ahaatee, dhanka kale, dagaalku waa wax dabiici ah oo inta iinsaanku uuman yahay dagaal wuu jirayaa. Waana falsafad nololeed oo qof waliba si buu ku qeexaa ama uu ula muuqdaa. Haddii uu qof geeri ula muuqdo, mid kale ayuu nolol ula muuqdaa. Aristotalna waxa laga sheegaa in uu yidhi: "Waa in aynnu dagaallanno si aynnu nabad ugu noolaanno."
Laakiin, inaynnu hilmaanno ma aha dagaallada Soomaalidu in ayna wax ujeed ah iyo aragti ah midna xanbaarsanayn. Haddii la ga tegi waayo, hadafka guudi waa dhimashada.
Guuleed, intii uu ku shuqlanaa aragtiyahaa maankiisa hirdamayay ayaa uu masaafo dheer soo jaray, kuna war helay in uu soo gaadhay Balcad iyo maqaaxidii barroosinka u ahayd. Sida uu arrimahaa macna darrada u muuqda ugu talaxtegay ayuu ka xumaaday. Kayse oo ah inanka maqaaxida ayuu cabaar la sii fadhiistay, maadaama maqaaxida la rafacayayna la sii yara shaqeeyay. Waxa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo inta badan waa ay is xaal waraystaan. Marar badanna miyiga iyo nolosha reer guuraaya oo ay isla fahmaan ayay doodo iyo xasuuso ka galaan. Kayse, dhawaan buu magaalada soo galay oo baxsi ku yimi. Sababta uu sheekada Guuleed u jecelyahayna waa in uu la fahmo nolosha baadiyaha ee qaxar u joogga ah. Sidii dhici jirtay. Inta ay xoogaa sheekaysteen oo qosol iyo qaxwe ba wadaageen, ayuu isagu baxay oo dhanka guriga u dhaqaaqay. Kayse, isaguna waxa uu hagaajistay gogoshiisii oo aan ka fogayn oo hurdo isu diyaariyay.
Qolkiisa ifiinku ku yaryahay ee ilayska uu wax ku akhristo leh, miiska, buugta iyo gogoshuna isku dhowyihiin ayuu soo galay. In muddo ah, waa markii ugu horraysay ee uu sidan uga soo habsaamo, caways na ku soo raago. Gogosha ayaa qalaysay oo malaha ku sigatay in ay waydiiso sababta habsankiisa. Dareenka loo hayo hoygu waa mid gaadhsiisan heer la ga door bido nolosha inteeda kale oo dhan, ama la gu tilmaamo aasaaska waxkasta oo kale. Markii uu nastay, waxa uu dareemayay deganaan iyo xasilooni jidhkiisa xushay. Cawayskii uu tegay ayuu dib ugu celiyay xasuusta. waxa uu garawsaday in firfircoonidu halkaa salka ku hayso. Aad buu ugu riyaaqay saamaynta uu habeenkani ku yeshay.
Hurdo jeclaysi ayuu iska dareemay iyo in uu dug dhaho. Wuu qariibsaday waxan socda. Waayo, ma aha wax uu waayadan arkay. Inta aanad seexan waxqor oo xasuusta macaan ee habeenkan wax kala hadh buu is yidhi. Cabbaar buu qalinka iyo warqadda is dul hayay oo kolba eray qawadayay ugu danbaynna ku bilaabay: “waqtigu wuu isdaba maraa, oo sidii fannaanku ku heesayay, adigoo degannaa abaar marbuu dirir kuu curtaa. Wedka iyo noloshuna way is xigaan, si la mid ah, sida ay quusta iyo qanaacadu isu xigaan. Ku xidhnaata tagtaduna waa kiniin macaan oo qadhaadhkiisa goor danbe la dhadhamiyo. Sida la sheegana iinsaanku waa uu neceb yahay isbedalka. Dhanka kale, isla aadamaha ayuun baa jecel wixii cusub oo soo dhaweeya, sidaa darteed la ga yaabaa xasiloonida aan caawa dareemayaa in ay la xidhiidho kala tagsanaantaa dabci ee aadana. Waxa se hubanti ah in isbedalku ilbidhiqsiyo ku dhasho, intii aan Kulan joogaynna unugyada cusub ee isbedalka sida aan ka dareemayay qulqulka dhiiggayga oo in uu firfircooni helay maskaxda u soo dhiibayay. Si kastaba ha ahaatee, waa aan ku naaloonayaa habeenkan gudcurku daahiisa rogay ee daruuraha rejadu dushayda guurguurayaan. La ga yaabaa in cirkuna hooro oo daadku wixii xun ba qaado. Ugu danbaynta aan go'aansado oo naftayda wacad kula galo in ay joogtayso ku waaritaanka jidkan habboon ee guusha horseedi kara.”
Guuleed, habeenkan, waxa uu dareemayay in uu helay sirtii bedbaadadiisa. Wixii intaa ka danbeeyay, waa kan isaga oo u degdegaya si uu ugu dhexlumo fagaarayaaha dooduhu ka socdaan la kulanka saaxiibada, iyo cawaysyada. Adiguba is waydii oo, Ma wax aan la jeclaysan baa farxaddu. Murugadu ma wax aan laga fogaan baa. Wehelka iyo lamaanennimadu ma wax aan la gacloon baa. Cidladuna sow ma mudna in laga cararo. Haa. Aadamuhu waa bulshay ahaanshihiisuna waxa uu ku sii waari karaa ku dhexjirka dadka iyo inta ka agdhaw.
Comments
Post a Comment