Galabtii Jimce

Maanta uun ma aha, weligay ba sidan baan ahaa. Qalbigaygu cid kasta wuu u furanyahay. Waa meel aan cabsiyi ka jirin. Ciddii uu doono buu calmadaa, sidoo kale ciddii ay doonis u gasho oo dhan baa u dhacda oo dhexdiisa gogol dhigata. Laga soo bilaabo caruurnimadaydii waxa aan dhex dabaalanayay badwaynta doorashada iyo rabitaanka. Waxbaan jeclaanayey, ka helayay, sidoo kale anna waa la iga helayay oo waxan ahaa cadrad loo tartamo. Waan xasuustaa oo wiilashii aannu soo wada sheekaysannay mid aan saamayn igu lahayni ma jiro. Si turxaan la' baannu dhamaantood u wada socon jirney. Marka laga tago masayrka; oo ka marag kaca danaynta aad qofkan u hayso, ama uu kuu hayaba, weli may dhicin qof xidhiidh na dhex maray in aannu cadho ku kala tagno. Mooji malaha kal xumaha qabataba ma aannu lahayn. Carruurnimo wacnaydaa! Imika waan weynaaday. Sanadkii lasoo dhaafay iyo dhawr bilood oo ka horreeyey ba wax xidhiidh ah ma lahayn. Waxa uu ahaa go'aan ku yimi in aan nasasho qaato waxyaabaha dib...