Xamar iyo xasuustayda

 "Noloshu waa buug, kuwa aan waligood safrinna waxa ay akhriyaan hal bog oo kaliya."

---Saint Augustine

Xamar waxa ay ahayd mid ka mid ah magaalooyinka aan tegay midooda ugu xasuusta wacan. Haddii Ibraahin Hawd sheekadiisa Aanada Nageeye ku bilaabay "waa Xamar oo sii dhimanaysa. Dal dhan bay se ugu nolol danbaysay" anigu waxa aan odhan lahaa, Xamar markan waa ay soo noolaanaysay. Maya ee waxa ay ahayd sidii oo aan weligeed waxba ka dhicin. Waxa aan is weydiinayay kun su'aalood jawaabahana mid ba meel baan ka helayay. Xamartii Hawd ka sheekeeyay ma arag. Middii aan shaashadaha ka arki jirayna ma arag. Ma aanan arag Xamartii Eebbe ha u naxariistee Cawke ka soo warramayay ku dhowaad dhawr iyo toban sano ka hor, markii ay ugu foosha xumayd uguna nasiibka darnayd. Waa markii hooyooyinku ku cataabayeen wixii suugaan Alle baray ee Banaadiri iyo nooc kastaba leh. Dunnida waxaa ugu foolxun hooyo cabanaysa, waxaana ugu qurux badan hooyo faraxsan. Magaalada sida ay tahay hadba baa dadkeeduna u eekaadaan. Xamar way rafaadsanayd xilliyadaa, si taa la mid ahna rafaadku dhafoorka dadkeeda buu ka muuqday. Waa markii lagu gardhiganayay sida heesta cabashada iyo garnaqsiga ah ee ay Xabiiba Xasan ina soo gaadhsiisay iyada oo leh:

"Madfaca aqalkayga gubay

Kan igu riday ma adigaa

Abaalkii hooyanimo

Tan la iska ilowsanyahay

Ax iyo way ma anigaa

Allaylehe ina ragoow

Ergiyo waxan ahay dacwoo

Eed baan kaa tabanayaa".


Xamartii caynkaas ahayd ee aan maqalka ku haystay ma arag. Xasuusahaa cadaabta ah iyo maalmahaa qadhaadh ee ay Xamar marti galisay, waxa keli ah laga heli karaa oo ay ku kaydsanyihiin quluubta reer Muqdisho iyo buugaagta laga qoray. Sida Kalahaadkii Muqdisho, Soo doog Iyo Iigu Yeedh Maraykan. Maantana waa waayo xumaa oo la sii dhaafayo.

Xamar wax badan ayaa loo duceeyay. Wax badan ayaa qof kasta oo booqday, ama shaashadaha ka arkay dhibtii ka jirtay duco iyo adkaar ba u miisay. Ducooyinkii badnaa in loo aqbalay shaki kuma jiro. Waxa aan si gaar ah u xusayaa ducada, aan odhan karo iimaaniyaadna wuu ku jiraa ee ah;

"Bixisada dhacaysiyo

Ba'a waxa kasoo hadha

Adoonkii balaayada

Ku xasuusta boqorkee

Baryadii ilaahay

Wataa nuurku baxayee

Barakee Allow Xamar". Aan idhaahdo intaasiba waa ay rumowday. 


Maddiina ayaan ka degenaa magaalada. Jidka dheer ee aan subixii bajaajta ku sii maro, habeenkiina ku soo maro ayaa intaas oo macno ii sameeya ilaa imika. Waxyar baan ku kala bartay intaas. Waxa maskaxdayda baaqi ku ah, dhalinyaradii gobta ahayd ee aan kubadda habeenkii wada ciyaari jirnay. Dhab ahaan, dad qof kastaaba xil iska kaa saarayo ayay ahaayeen. Walaalkay Axmed jidaal; ayaa habeenkii kowaad ba i weydiiyay su'aalo ah. Naadigee taageertaa iyo booskee ka ciyaartaa kubadda. Kolkii aan u sheegay, habeenkii ku xigay oo jimce ahayd, waxa uu ii keenay dirays Arsenal ah oo magacayga iyo lanbarkii aan ka dheeli jiray ku xardhanyihiin. Waxa uu ugu talo galay in aan xamar ku sii negaado. Wayna dhacday oo waan ku sii negaaday. Waxa aan ku bartay halkaas rag qaali ah. Si ka duwan sidii aan Burco roogga ugu ciyaari jirnay iyo la dhaqanka raggaas gobta ahba.

Masaajidkii Rabbi-salli ee xertu ku digriyi jirtay baa xasuusaha ka mid ah. Dhalinyaro iyo waayeel ba waxa uu ahaa masaajid marti geliya, shalaadka labada gelin ba ee jimcaha ayuu gaar la sii ahaa. Kaftanka saaxiibada masjidku walaaleeyay na waan xasuustaa, kana heli jiray. Maadaama aan nolosha dabiiciga ah iyo ta dhaladka ahba ka danbeeyo.

Habeennadii badda ayaan xasuusnahay iyana. Goob barakaysan, dadku si kasta oo ay u buux dhaafiyeen, haddana qof waliba jewigiisa ka heli karayo bay ahayd. Waxa ay ahayd goob qofka dhalinyarada ahi nooc kasta oo jewi ah ku samaysan karo. Midka waynina, xasuusihiisii ciyaalnimo ku heli karo. 

Xasuus lama ilaawaan ah ahay ahayd in aan sheekada Maanafaay ee Alle haw naxariistee M. Daahir Afrax qoray, ahna midda aan u aqaanno ta ugu farshaxanka badan sheekooyinkeenna aan ku akhriyay Xamar. Waxa aan siistay lacag ka badan tii aan Hargeysa iyo Burco buugta kaga iibsan jiray. Maktabadda Hudhud ayaan ka gatay goor barqo ah. Goobaha ku xusan buugga na in badan oo ka mid ah waan tegay, taas oo akhrinta buugga macno iigu samaysay. 

Mar kale aan xuso masaajid imigration-ka u dhowaa, maalinka aan suuqa ku raago seexan jiray. Waxyaabaha ay Xamar la gaarka tahay ayay ahayd middaasi. Waxa aan xasuustaa in maalin aniga oo masaajidkaas u hurdo tegay uu iga soo horbaxay qoraalka nin Ka cabanaya in masaajid uu is yidhi casarka ku yara sug loo diiday, magaaladu waxa ay ahayd Burco. Ku darso oo goobta ninkaas loo diidayaa waa masaajid jaamacadda Burco ku dhex yaalla, isna waa arday. Inta aan hoosta ka idhi, kala fogaa Xamar iyo Burco ayaan hurdo dheer galay.

Halka ugu mudan, waqtiga ugu badanna aan ku qaatay aan xuso. Waa meherada hidda-soor. Waxa ay dhanka waqooyi ka xigtay KM4. Meel dhisme ahaan iska dhexdhexaad ah ayay ahayd, waa se laga shaqeeyay oo gudaheedu aad buu u habaysnnaa. Waxa ay xasuusaha cajiibka ah ku lahayd, heesihii ka bixi jiray. Magool, khadra daahir, gacayte, ilma mooge iyo kuwo kale oo badan, sidooda na xul ah ayaa ka danani jiray mar walba. Galbaha sida gaarka ah iigu sii dhadhama waxa ka mid ah, galabkii ay baxaysay heesta Ceelbuur ee Salaad Darbi awoodiisa faneed ku muujinayo. Waxa aan xasuustaa in aan dhawr cisho oo danbe dhegaysanayay.

"Waa curad ninkii dhalay

Laga siiyo cuudoo

Waa curad ninkii dhalay

Mahad koo ga celiyaa


Rag waakii is tilmaama ee ninka gabadh curad ah la sheekaystoow, heestani way ku anfacaysaa ee ogow. 


Aan ku soo xidho Heesta Cabdi-diini qaado oo ay muddo fog iigu danbaysay, se aan isla goobtaas ka maqlay. Dabadeed na dareen waa-tebyo[Nostalgic] ah galay. Waa Hinda. Markanna gabadha uu Diini amaanayo, quruxda uu ku tilmaamayo iyo sifo kasta oo uu ka bixinayaba aan ku dhereriyo, gabadh Soomaaliyeed oo sheeko iyo jacayl na dhex mari doono. 

"Hirashada kalgacalkiyo

Hoodada aduunyada

Hagar li'i waxaa hela

Kii ay u hoyatee

Halqabsiyo ujeeddo leh

Heellanaanta yaabka leh

Ma hilmaami karayoo

Habeennaan ku qadayaa

Hakashada tallaabada

Horaadada ilqabadka leh

Ayaan hiigsanayaa".

Intaas ka gadaal, goor caways ah aan Hidda-soor ka hurdo tago oo bajaaj qabsado.

Maalmaha xamar sidaa ha u qurux badnaadaan. Aniga na maalin kasta oo iigu dhalataa xasuus ha igu reebto, joogisteeda aan sii jeclaysto, Imgrationku meesha ugu badan ee aan subixii tago ha noqdo. Ugu danbaynna, goor barqo ah aan Xamar diyaarad kasoo raaco oo Hargeysa ka soo dego.


Photo: by Othowa

Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce

Dool