Falanqaynt Buugga A thousand splinds suns

Sheeka'faneeddu inta ay madadaalo iyo fan tahay, waxa ka badan inta ay gudbiso cilmi, dhaqan, caadooyin iyo taariikh. Waxa ay leedahay awoodda ay intaas oo mawduuc iyo ka badan ba ku xanbaari karto. Waxa la ga yaabaa in akhristuhu isaga oo ku tala jiray kaliya helidda xogta sheekadu gudbinayso ama mawduuca ay khusayso xiisaynayay in uu helo waxyaabo kale oo badan oo uu ka dhex fahmo sheekada, taas oo sababta in ay sheekaba mid kale u dhiibto. Tusaale ahaan, sheekada Aanadii Nageeye, ee Ibraahin-Hawd qoray, waxa uu qofku isaga gudbayaa intaas oo mawduuc oo mid waliba xiisihiisa leeyahay. Diinta, dhaqanka intiisa kakan, eexda, aanada, caddaalad darrada, noloshii miyiga, tii magaala galka, dawladnnimadii, askartii kacaanka iyo waayihii xiligaas jiray ayuu midba sawir xog ku filan innaga siiyay qoraagu.

Si guudna, waxa la is waydiin karaa maxaa lagu jeclaaday sheekooyinka Hawd ee gaagaaban iyo kuwa kalaba? Waxa uun bay jawaabtu noqon kartaa, waa in uu ku soo gudbiyay xaalado hawl badnaa oo Soomaalidu soo martay ama caado ka dhigatay, kuwaas oo dadka intii u soo taagnaydna ay xasuus ka dhigtaan, kuwii waayahaa dabadood dhashayna xog fiican ka siisay sida ay noloshu ahayd. Waxa kale oo aynnu xusi karnaa Maxamed D. Afrax iyo buuggiisa Maanafaay, oo isna si waafi ah u sawiraya noloshii magaalawga ee Soomaalida iyo dhaqannadii la kawsaday waayahaas. Faarax Maxamuud, iyo buugiisa Saxarla oo ku socda sheekada gabadh yar oo magaalada ku cusub iyo dhibaatooyinkii ay mudatay oo iyadana aynnu ka fahmi karno dhibaatooyinkii ay dumarku la kulmeen xiliyadaas.

Khaled Hosseni, sheekadiisa: "A thousand splinds suns." Waxa ay ka kooban tahay 384 bog. Waxa aynnu ka dhex arkaynnaa oo uu sawir innaga siinayaa bersamaadkii Afgaanistaan, dhibta dhaqanka soo jireenka ah, caadooyinka ab-ka-soo gaadhka ah ee cidi dhibanaha u noqoto iyo dhacdooyin kale oo xiiso leh. Waxa uu ku soo gubinayaa sheekada laba gabdhood, Maryam iyo Layla.

Waxa kale oo sheekada doorkooda ku leh, Nana oo ah Maryan hooyadeed, Jaliil oo aabaheed ah. Raashid oo Maryan si khasab ah loo gu guurin doono. Tariq oo ay Layla sheeko jacayl oo xiiso iyo xanuun lehi dhex marayso; iyo dadyow kale.

Sannadkii 1960-kii ayaa ay Maryam ku dhalatay tuulo u dhow magaalada Herat oo aabaheed Jalil ku noolaa. Waxa ay la nolosha la bilaabanaysaa rafaad iyo caqabado ku lamaanaan doona waligeed. Maryan, waxa dhashay Nana oo ah adeegto ka shaqeysa guriga Jaliil oo ah ganacsade magaaladda uu degen yahay ee Herat ku dhex leh magac iyo sumcad. Khadiija, Nargis iyo Afsoon, waa saddex xaas oo caruuro u leh Jaliil , kuna wada nool guri. Nana waxa ay noqonaysaa gabadha afraad ee ku soo biiraysa nolosha Jaliil, si aan aan xalaal ahayn. Waxa halkaa ka dhalanaya in ay Nana ka tagto shaqaddii guriga Jaliil, kadib markii ay calool gashay Maryan. Jaliil isaga oo dhowranaya sharafta iyo sumcada uu ku dhex leeyahay dadka deggaankiisa waxa uu is ka beriyeelayaa korinta Maryan oo sifo aan sharci ahayn ugu soo biirtay carruurtiisa.

Caqabadaha nolosha ee wajahaya Maryan waxa aasaas u ah: ereyga”Xaraami" sidaas darteed, waxa ay cuqdad rabbaani ah ka qaadaysaa maqalkiisa. Caqabadahaa hore waxa ku soo biiraya dhimashada Maryan hooyadeed. Geerida Nana ka dib, waxa uu Jaliil oo ah aabaha maryan isku dayayaa in uu inantiisa keeno gurigiisa, waxa se cadaadis badan saaraya oo in ay guriga ka diraan isku dayay xaasaskiisa. Iyada oo hawshu sidaas ah ayaa uu aabaheed siinayaa Raashid oo ka yimi Kabul, da' ahaan ka wayn, shaqadiisuna tahay kabatole.

Qoraagu waxa uu sheekada ku soo gudbiyay nolol silic, rafaad iyo halgan isugu jirta oo qof waliba door dhibanannimo qaadanayo. Dadka uu qoraagu sheekada innagu barayo waxa ay isugu jiraan in dhaqan-bulsheedku cadaadiyay, in caadooyin abka soo gaadh ah u dhiban iyo kuwo islaamiyiintii dalka qabsaday ee jabhadaha ahaa xakamayntooda la halgamaysa. Waayo, caasimaddii Kabul waxa soo galay jabhado muddo badan dagaal kula jirey midowgii soofiyeet. Waxa ay amreen in waddanka lagu maamulo shareecada islaamka. Layla waxa ay ka mid ahayd dhalinyaro ku korey Kabul mudooyinkii ay dagaaladdu u dhexeeyeen jahdaha iyo Ciidamada. Waxa dhalay Xaakim, oo ahaa macallin jaamaceed lana jeclaa in ay waxbarato. Hase ahaatee, rejadaa iyo doonistaasi ma suurta gelayso oo wadankii waxa uu noqonayaa meel aanay arrimahaasi ka hirgalaynnin. Dumarkii dadka wax u dhigayay iyo hablihii wax baran jiray ba waxa laga mamnuucayaa waxbarashaddii. Xorriyadu waa xaq dhalasho oo qof kastaa leeyahay. Waa caado xun oo dibusocod ah in dumarka lagu eego indho laaji ah oo aan lahayn xaq ay wax ku kala doorato. Laakiin, waa ayaandarro bulshadaa asaageeda ka hadhaysaa lagu salido.


Axmed iyo Nuur oo ay Layla walaal ahaayeen waxa ay bilawgiiba ku biirayaan jabhadda. Nasiibdarro, waxa ay labadooduba ku dhimanayaan dagaalladaa, geeridaa ka dibna waxa ay nolosha Layla qoyskeedu noqonaysaa mid adag oo saamayntaasi ka muuqato. Layla waxa ay jeclaanaysaa Tariq oo ay deris iyo waxbarasho-wadaag ahaayeen, isaguna sidoo kale. Noloshii adkayd ee ka jirtay magaaladuna waxa ay sababaysaa in ay kala safraan oo qoyska Taqir u guuro magaalo kale, waxa se duulitaanka Tariq ka hor dhacaya in ay galmo isku arkaan Layla iyo saaxiibkeed, taas oo sababaysa in hilawga danbe iyo jacaylku Taqir halkaa uga bilaabmayaan.

Muddo ka dib, Dhanka kale, qoyska Layla waxa ay go'aansanayaan in ay iyaguna u guuraan Bakistaan, hase ahaatee, sidii loo ga bartay qaddarka ayaa baajinaya hawshaas. Maxaa dhacay? Inyar uun ka hor markii ay bixi lahaayeen qoysku waxa guriga ku soo dhacaya hoobiye galaafan doona nolosha Xaakim iyo Fadira oo ahaa Layla hooyadeed iyo aabaheed. Waxa ay noqonaysaa kaligeed.

Waa ay dhaawacmaysaa, sidaasna waxa ugu soo gurmaday Maryan iyo Raashid oo deris la ah. Halkan waxa ka bilaabmaya dhacdooyin kale oo xiisa leh. Layla markii ay ladnaatay, waxa uu Raashid goosanayaa in uu guursado oo damac baa ka gelaya. Waxa se diidaya ma taqaannaa? Waa in uu ogyahay jacaylka ay Layli u qabto Tariq. Haddaba, si uu rejadaa u laalo waxa uu adeegsaday nin kale oo Layla u sheega war been ah. Waa in Tariq dhintay ka dib shil uu galay. Marka ay Layli warkaas qaabka daran xanuun badan ka marto waxa ay ogolaanaysaa guurka Raashid, maadaama ay wayday rejadii kali ahayd, Tariq.

Layla, Raashid waxa ay u dhalaysaa gabadh. Ka dibna wiil. Hasa ahaatee, gabadhu waa ina Tariq. Maalin ayaa Layla  guriga hortiisa ku arkaysaa nin taagan. Waa Tariq. U qaadanwaa badan ka dib, guriga ayaa ay galeen oo xoogaa sheekaysteen. Xoogaa is waraysi ah ka dib Tariq waa uu baxay.

Rashiid oo maqnaa markaas, waxa uu ka  cadhoodey in ay Layla la kulanto ninkaas. Muran iyo cadho badan ka dib, Raashid waxa uu dilayaa Layla. Maryan, oo awel hore ba ka xumayd in uu la guursaday ayaa ka cadhoonaysa dilka iyo dhibta  uu Rashiid u geysanayo Layla, waxana ay  nabar ku dhufanaysa Raashid-waana uu u dhimanayaa nabarkaa. Layla iyo Tariq waxa ay ka tegayaan magaaladii, Maryanna waxa la gu xukumayaa dil oo waxa la gaynayaa tiirka.

Dhimashadii Nana, Maryan hooyadeed waxa ay sii kordhisay silica iyo saxariirka maryan. Halka dhimashadii Raashid ay horseedday xorriyad qaadashada Layla. Markalana ay soo dedejisay wedka Maryan.

Sida aynnu sheekada ka dhex arkaynno, rabitaanka Layla iyo Tariq waxa uu ahaa midka qudha ee khasabka iyo jujuubka ka bedbaaday. Sidaas darteed, waxa uu noqonayaa ka ugu xiisaha iyo xaladda badan oo waxa ay marka danbe noqonayaan qoys jira oo noloshu u samaato. Marka ay muddo maqnaadaanna waxa ay ku soo laabanayaan magaaladii ay yaraantii wada joogi jireen, deriska ku ahaayeen waxna ku wada baran jireen.


Photo from gogle


Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce

Dool