Laba Caashaq
Qariibnnimo ayuu dareemayay markii uu magaalada soo galayay. Safarka uu soo galay, magaalada oo ku cusub iyo kulanka uu geli doono daqiiqado yar ka dib, intuba waxa ay sii shiidaaliyeen cabsi iyo farxad is dhex socda oo isu midab iyo muuq eekaaday oo uu ilaa galab ta dareemayay. Wax buu ku faraxsanaa. Wax na wuu ka werwerayay. Labadaas xaaladood ayaa foolkiisa ka muuqanayay. Xalane Hotel baad i geynaysaa ayay ku ballabeen darawalka. Ballantii uu qaaday isaga oo oofinaya ayaa uu ku soo laabtay hoteelkii. “Waa kan Xalane ee soo deg” na sii raaciyay. Waxa uu toos u galay qolkiisii oo u diyaarsanaa, cabbaar buu isu diyaariyay sidii qof ballan leh. Haa. Waa ballan ku wayn oo uu culayskeeda sidi kari la’yahay.
Afar iyo tobankii Abriil laba sano ka hor ayaa isu gu muuq danbaysay isaga iyo gacaladiisa iyaga oo cadho ku kala maqan ayuu dalka ka tegay. In kasta oo ay maalmihii la soo dhaafay isu wacnaayeen oo maan ahaan u wada joogeen waqtiga ugu badanna xidhiidhintooda ku qaadan jireen, haddana hilawga iyo xiisaha isu hayaa ma aha mid intaas laga ga bogan karo. Waxa ay isu hurayeen dareen kasta oo laba isoggoli isa siiso, asalkana haddii rabitaan yimaaddo waxa halhaleel daaqadda u ga baxa hagrashada oo ma dhacdo in wax la is kala bakhaylo. Halbeeggu waa “Waxba kaa hagran maayo” oo ah erayo gobannimo oo horseedaya nolol aan waxba la kala lahayn. Xaalkoodu sidaas buu ahaa waxa na uu ku rejo waynaa kulankooda, filashadiisu wax kasta way ka sarraysay, waqti se u go’ani ma jirin.
Markii ay gaadhay xiligii uu bixi lahaa ayaa uu dibadda usoo baxay. Waxa uu la kulmay roob da’aya oo in uu isu socodkii hakiyay la dareemayo. Waxa uu ka fikiray in sababta roobkani laba midkood tahay: Kow, in uu kulanka qurxin doono, jewi kalgacal oo koodii ku lamaanna abuuri doono, qoyaanka dhibcuhu geysanayaan ee dhabannada gacaladiisa ku dhacayana gacmo naxariisi weheliso ka ga tiri doono, ama in roobkani gebi ahaan ba meesha ka saari doono kulankoodii oo uu noqon doono hungo iyo kulan baaqday oo wixii uu qorshaystay in uu caawa ka la hadlaa qabyo noqonayaan, xaalku na ku danbayn doono qabyo waa halkeedii.
Isaga oo weli afaafka hore ee Hoteelka taagan kuna dheeraaday faaqidaadda hawlahaa, ayaa lanbarkiisu soo dhacay; waa qoftii uu ka fikirayay ee u fikirayay. Tolow maxay odhan ma halkaa isugu keen keen mise caawa roob baa jira e habeen danbe inooga dhig? Oo adba waad aragtaa dhibta jirta e miyaadan caqli lahayn adigu ba dee fasax. Ayuu hoos ugu faqay. Maya, sideedaba marka ay dareen joogto dumarka ayaa ragga kaga wacan oo caqligoodu joogaa ayuu isugu cudur daaray.
“Caawa roob baa Ina kala xidhay ee kulankeennii habeen danbe ayaynu ka dhiganaynnaa. Adna iska naso. Lanbarka na waad qaban waydaye.” Waa farriin ay isa soo dhaafisay markii uu lanbarka ka qaban waayay. Fikir dheer oo uu galay baa keenay in uu qaban waayay wicitaanka, oo ma la ga yaabaa in ay intaa ka ba cadhootay oo kulanka sidaa u baajisay? Waa macquul. Laakiin, fudaydkaa kumaad ogayn. Waa run, se roob iska daaye in colaadi idin kala xidhaba isku may daan ogayn. Adba in aanad dhibin baad wacad ugu martay. Ma biyaha ayaa ay soo dhex qaadi lahayd? Gar dhexdhexaadin ah oo labadooda u dhaxaysa buu galay oo ka fikiray sida uu marna garta isugu moosayay marna isu eed tirayay. Alla caddaalisanidaa. Ayuu ka ga gudbay dooddaa waqtiga ka qaadatay.
Waxa uu isku tuuray sariirtii oo qorshuhu ahaa in uu caawa xili danbe ku soo noqdo. Mar kale ayuu xasuustay in aanu farriintii ka jawaabin. “Haye gacalo dhibaato ma leh" ayuu kaga jawaabay. Waxa uu halkaa ka bilaabay fikir kale oo sida mawjadda mid ba mid kale ku wareejiyay. “Hirku boodda dheeraa” ayuu “fikir boodda dheeraa" u beddashay oo uga sii gudbay wixii uu uga sii gudbay ee canaan, tallan, hilaw iyo inkaar uu waayaha ku afuufayaba lahaa.
Waxa uu jeclaystay ka hor Inta aanu odoros kale gelin in uu dharaartii barashadooda xoogaa qooraansado. Eelku waa halkaas ee ka soo bilaw ayuu isku qanciyay. Afar sano ka hor, fiid isaga oo xiisad ka soo baxay in ay albaabka fasalka ku kulmeen baa uu xasuustaa. Iyadu in ay sii gelaysay na kama ay lumin, waayo, habsami u socodkeedii iyo sidii ay indhaha isu siiyeen ba waa wixii bilaabay maalmahan kolba bog cusub furaya ee dharaar ba magaalo ka dejinaya. Waxa maankiisa goglan sidii iyo habkii uu u maray helitaankeeda.
Sidii uu uga baaraandegay iyo ugu danbayn wixii u sahlay ba. Shar iyo khayr kay u ahayd waa hal-xidhaale aan weli u furmin. Waayo, maalinka farxadda ee ay eray kasta oo gacalnimo ah ku dhahdo, marxabbayn iyo jacayl na tusto; waa xuural cayn waajibkii aakhiro ifka ku gudanaysa. Malaha waa tusaale ay tahay in dumarka Soomaalidu ku daydaan. Haa waa qof qalbiga kasban og. Kolka ay sidaa tahay waa u khayr iyo nasiib yimi goor habboon. Sidaa si la mida, daqiiqado yar ka dib marka ay qofkale noqoto ee naclad ku afuufto, dhib ka sheegato u na muujiso cadaawad kasta oo la ga ducaysto; waa camalkiisii oo halkan ku helay. Waa naar soo booqatay oo uu jeclaysanayo in uu mar uun ka baxo. Dhab ahaan waa qofta uu ku wareero wanaag iyo xumo ka ay u dhalatay, oo waa macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalla.
Sahankii uu galay habeenkii uu ku guulaystay waxa ay ahayd jimce. Sida nin rag ahi wax u sheegto ayuu isu daba dhigay hadallo baqdini ku lamaantahay rejaduna doorkeeda ku leedahay. Kalsooni na weheliso. Waxa kale oo iyana barbar socotay in safarkii uu iyada u galay mid ka daran ay gelisay oo uu marar badan iyada darteed u safray. Laba sano kolkii ay xidhiidh lahaayeen ayaa wax kasta weji kale yeesheen oo adkaadeen. Ma isagaa? Ma waqtigaa? Ma iyadaa waa su’aal aanu furfuri karin! Dhawr bilood oo uu hadalkeeda la’aa wax aan iyada ahaynna niyadda ku haynnin, ugu danbayn, waxa uu go’aansaday in uu baxo. Haa. In uu magaalada iyo dalkaba ka baxo si uu dhaymo nafeed u helo. Waa uu safray oo Xamar ka degay halkaas na kula tacaalay naf dhul fog dan moodday oo nolol raadinaysa. Xamar tii uu weligii ba maqli jiray ee war-dhagood ka ku hayay ayaa uu galab qorraxdu sii dhacayso soo galay. Lahjadda, magaalada oo kuwii hore ee uu tegay ka saxmad badan iyo cimiladu ba waa ay ku cusbaayeen. Waa uu jeclaa in uu mar uun tago, hase yeeshee weligii ku ma tashan in uu soo magan geli doono isa ga oo qoftii ay nolol wadaagga ahaayeen baxsi ka ga jira. Sideeda ba deegaan aad jeceshahay waxa ugu daran ee si kediso ah kaa ga kaxayn karaa waa xasuus sida fallaadh cadaw ku mudmudaysa.
Toddobaad markii uu joogay ayaa wax badani u baxeen oo uu magaalada ka la fahmay. Meelaha jewiga wacan, goobaha dalxiiska iyo bar kasta oo caways loo tago ba waa ay u baxday. Galab ayaa uu taallada xaawo-taako qabtaa, subax ayaa uu xamar-wayne iyo meelihii qadiimiga ahaa booqdaa, galab kale na waxa uu u kacaa Abay-dhaxan oo ah gob dalxiis. Habeenno badan ayaa uu Liido ku soo caweeyay oo is barbar dhigay dadka iyo lamaanaha laba labada u wada socda. Waxa hor timi sida ay lamaantiisii u hoojisay iyo sida rag aynigiisa ahi gacalooyinkoodii u haystaan. Ma ka nasiib xumaa mise waa carbin oo wax ka wacan baa u soo socda. Haddba waa indhaha uu ku eego ama sirtu waa ka dhigashada.
Haddii sababta ugu wayn ee imaanshihiisu ahayd ilowga xasuuso taban iyo si uu dawo u helo, waxa uu goostay in waqtiga u gu badani ka ga baxo dalxiis iyo socod uu nafta ku daalinayo, dhanka kale na daroogo ahaan ugu mudayo ruuxdiisan tallanka u horseedday.
Abay-dhaxan ayaa uu galabta keligii qabtay, waxa uu waqti siiyay quruxda iyo dabeecadda ka ag dhow, isa ga oo nafta madadaalinaya. Markii uu xoogaa joogay ayaa nin AK47 sitaa dhabarkiisa ka soo hadlay. “ Ha is dilin” ayuu hadal aan isaguba nolol ahayn ku yidhi. Waa uu istaagay oo gacmaha kor u taagay. Waxa uu u muuqday in uu lahaa “waxba ii la maad hadhin” oo ma dil ka wayn baa jiray in uu qori aan meesha la ga filaynin cabbeeyay, ku na war helay isa ga oo ku foorara. “Keen mobile ka oo ka dir lacag ta na” ayuu yidhi oo qorigii dhuunto ka soo saaray.
Waa uu is adkeeyay, mar kale na indho miskiinnimo ku eegay oo dadnimada, diinta iyo dhaqan soomaaliga ba xasuusiyay; Laakiin, dhego awdan miyay odayayntu gashaa? Waa maya! Si u la muuqatay, raggannimo, dhiirranaan iyo in uu qab iyo jiritaan ku dareemayo ayaa uu dib u gu baxay oo wax xabbad ka wayn qam ka siiyay. Waxa xigay in uu meel fog ku dhacay oo daqiiqado neefta is ka hubinayay oo nolosha jeclaysanayay. Wixii uu soo doontay in uu dawo nafsadeed ahaa iyo in uu dilmo ahaa ayuu isku qabtay. Isa ga oo nabarro qaba wixii uu meesha la tegay na aan sidan, dhammaan xasuusihii wacnaa ee uu xamar ka haystay na daqiiqadahaa lumiyay ayaa uu halkii uu deganaa ku soo laabtay.
Godob badan oo dhulka hooyo lagu dhex galo baa keenta nacayb qofku uu u qaado meesha uu ku dhashay. Lahaansho kasta oo uu ku dareemi lahaana magaaladiisa iyo dhulkiisa qofku; waxa ay ka dhigtaa eber. Dhulkeenna in laga haajiro; sow godob badan oo noocaasi ma keenin? Ma qofkaas ka nolol doonta baa eedda leh mise cidda godobtaas naaxisa? Ta danbe ayaa saxan buu niyadda ka yidhi isaga oo bishmahana ka qamuuyaysanaya.
Laba casho ka dib, iyada oo inta uu hawl kale qabtay ay ka badan tahay Inta uu hubinayay in uu noolyahay ayaa uu ku tashaday in uu muqdisho iyo qorigeedii arxanka darnaaba macasalaameeyo. Waxa uu is tusay halka uu ku bedbaado karaa in ay Uganda tahay. Marba halkii nabadi ka jirto baa dhulkaaga ah buu is tusay. Mar kasta oo wax tabani ku soo kordhaan waxa uu naclad u diraa dhankeedii isaga oo sabab kasta oo liidata u xanbaarinaya. Sidaa na ku baxay.
Nolosha Kambaala ama Yugaandhaba, waxa ay ahayd nolol qaabdarran. Waxa ahayd nolol cidhiidhi badan oo fursado yar. Heestii Ayaan Warsame ee ahayd "Kambaala adaa i baday" dhab ahaan waa bayd xaaladda magaalada ku soo baxaya, waana meel aad mooddo in qof kasta oo jooga la baday oo uusan niyadsami ku haysan. Dhiiqada xaafadda Kissenyi qofka ku kufay, qofka isaga oo caways u socda tuugi madaxa qaaday, qofka diiqad ku raagtay uu xaalad uusan ka soo kaban gaadhsiisay waa waxa ugu yar ee Kambaala joogitaankeeda kaa soo gaadhi kara.
Danta ugu badan ee Soomaalidu u joogtaa waa dhoof, laakiin yabaalka ay marar waayitaanka dhoofkaa ama sugitaankiisa kala kulmaani waa culays. Wax aad moodaa in Soomaalida lagu soo kaxeeyo in dhoofku sahal yahay; dabadeedna filashadaa badan ee ay qabaan iyo dayaca Kambaala ka jira baa is hirdiya. Waxaana ka soo baxa qof niyad ahaan qurbaha jooga; jidh ahaanna Kampala jabaati ku cunaya oo aan waali iyo miyirqab midna lagu tirin karin. Waxaan odhan karaa waa godob dhalinyarada ama dadka Soomaalida ahba laga galo in magaalo sidaas ah la iska keeno isaga oo dhoof ku qafilanyahay. Hadhowna, wax hel iyo wax waaba joogitaankaa badan ee camal la'aanta ahi saamayn wayn bay kaga tagtaa oo diiqadeed. Waxa uu Kambaala u yaqaannaa "Magaaladii bilaacamalka" ama magaaladii "Dadka Alle baday" sida fannaanadii Ayaan Warsamaba heesteedu ahayd.
Hal sano kolkii uu Kambaala joogay ayaa galab isaga oo maqaaxi ku shaahaya farriini uga timi halkii uu ugu jeclaa in ay uga timaaddo. Waa uu furay oo ka jawaabay. Waxa na ay qaadatay dhawr billood oo raali gelin iyo qalbi xaadhasho ah, waxa na ay taasi dhashay in uu, sidii caadada ahayd usoo safro dhankeeda iyo magaaladii ay joogtay. Waa na kan caawa roob ku kala xidhay.
Fikir dheer oo uu xalay oo dhan ku dawaafayay ka dib isaga oo sidii u soo jeeda ayaa waagu beryay. Waxa uu qorshaysatay caawa oo ah habeenkii labaad ee ballanta iyo sida uu wax ku bilaabi doono. Waxa uu is tusay wax badan. Wax badan oo aanay ahayn in uu is tuso. Sidii uu marba khiyaalkiisa u foofinayay ee timaadada ugu sahaminayay ayaa habeenkii la gaadhay. Waxa uu dareensanyahay, tan iyo xalay markii uu magaalada yimi in wax khaldanyihiin. Haa waxbaa siya. Farriimuhu ma aha kuwii hore oo “ Haa iyo maya” ma ba dhaafsana. Isaga oo kun dareen oo taban qaba ayuu wacay. Waa uu xidhmay. Marar kale oo badanna wacay oo uu xidhmay. Waxa dhacay wixii uu filayay in ay dhacaan. Maalmo kale oo badan ayaa ay ku qaadatay in uu doon doono ama ka war sugo. Miyay xanuunsatay. Ma safar kedis ah bay gashay. Cudur daar waliba oo uu sameeyo waxa ka kala daadiya sababta maangalka ah ee uu uga fikiro. Wax kasta oo dhici lahaaba si uun baad u ga war heli lahayd ayuu isku qanciyay. Wax ay u dan lahayd, sabab ay u soo lugaysay iyo ujeedkeeda midna kama fikirin. Ma na rabin uun dooddaas galo, waayo, wax uu ogyahay in ay isaga naftiisu denbigaa ku helayso oo maxkamad taagayso.
Muddo uu sugayay fiisaha dal kii uu ka yimi aan ahayn ayuu sii joogay magaaladii, qolkii uu rejo xumada la dhex fadhiyay na ku negaa. Maalin sabti ah ayuu diyaarad ka raacay magaaladii hungada. Waxa uu ka fikirayay wax kasta oo noloshiisa la xidhiidha. Goorta uu nasanayo iyo xiliga uu meel rukman doono buu is waydiiyay jawaab se ma helin. “Ragga socodku waw door” ayuu cod la maqli karo ku yidhi. “Haddii mawdku daayee”
Waxa ka daba tidhi gashaanti kursiga ku xiga fadhiday. Hadal baa halkaa uga bilaabmay. Fanka, nolosha, iyo siyaasadda ayay ka wada sheekaysteen. Way is fahmeen oo mawduucyo badan Isla qaadaa dhigeen. Waxa si gaar ah uga waraystay sababta safarkeeda oo su’aalo ka waydiiyay. In ay markeedii u horraysay ee ay diyaarad raacdo tahay ayay u sheegtay, arrin dhoof in ay u socota na ugu dartay.
Dayaca iyo darxumada dhulka ka jirta ayay ku fogaatay oo si xog-ogaalnimo leh uga sheekaysay. Waxa ay si quus ah u tidhi “colaado, abaaro, caafimaad darro iyo nidaam dawladeed kasta oo fashil ah baa ishaa inoo yeelay; maxay se kuu gu taallaa raggii waxka bedalka samayn lahaa ba foolxumooyinkaasi uma muuqdaane” dhab ahaan waad saxsan tahay ayuu cod qajilaadi weheliso ugu jawaabay. Damiirka ayaa faray in uu aamuso oo fashilkiisa raggannimo iyo iinfa shakhsiyadeedba aamusnaan ku qariyo. Halka waxa rag la yidhaa bulshada ka joogo ee loo tuhmayo iyo halka uu isagu meeraysanayaa in ay ka la fogtahay buu is tusay oo haddana ka fikiray maxaa la ga ogyahay nin jacayl wareemay. Waa ay dareentay in uu baxay oo meel fog ka shaxayo, dabadeed na Inta ay indho gacalnimo ku soo eegtay ku tidhi “ha is raacin waayaha ee ka soo laabo” qosol na raacisay.
Nairobi oo ay u socdeen markii ay gaadheen ayay su’aal waydiisay “waa maxay sheekadaadu”. Waa uu ogaa waxa ay sheekadiisu tahay. “Bukaan aad dawayn karto” ayuu yidhi. Sida kedis ka ah ee uu markii ba usoo dhuftay iyo weedhaas ba way ka heshay. “Aan sheekaysanno ee foonkaaga ii reeb” ayay tidhi, isna wuu u reebay Dabadeed na shandaddiisii jiitay oo is nabadgalyeeyeen.
Maalintii labaad oo ay naurobi joogaan galabnimadeedii ayaa ay soo wacday oo goob la gu shaaho ku ballameen. Is fahankoodii diyaaradda guudkeeda ku bilaabmay ee hawadu marti gelisay ayaa halkiisii ka sii socday. Waxa ay xasuusnayd weedhii la yaabka ku noqotay oo ka codsatay in uu ka warramo, iya na ay doorka dhegaystaha qaadato. “In aan boogtaydaa damqoa rabin waan se kuu damqayaa adiga” ayuu yidhi, waa hadal la ga fili karo nin gabadhi hadal ka dalabtay. Inkasta oo dhaawacyadu ayna mudnayn in cid walba loo ga warramo, haddana qof ku danaynaya la ga ma dhega adaygi karo. Si aan gabasho lahayn ayaa uu u gu warramay oo dhacdadaa u dareeriyay, waxa na sii shiidaaliyay sidii fannimada lahayd ee ay ula socotay dareenka iyo dadnimada na u muujinaysay.
Markii uu sheekadii dhameeyay waxa ay ahayd xili dambe oo habeennimo ah, waxa na ay u soo jeedisay in aanay imika waxba ka odhanaynnin ee marka ay qolkeedii tagto ay wax uun ay dawo u aragto farriin ahaan ugu soo diri doonto. Waa ay is la qaateen oo cabbaar sii sheekaysteen, ka dib na Kala hoydeen.
Qolkiisii ayaa uu isna tegay oo xoogaa ka fikiray dadnimadii iyo wanaaggii ay u muujisay, waxa uu is waydiiyay su’aal ah, miyaanay mudnayd in qofku is weydiiyo sababta qof kale wanaag ugu sameeyay, sida uu isu weydiiyo marka uu xumaan ku la kacaba. Waxa uu daawanayay filimka “the pursuit of happiness” kaas oo dhinac kale oo togan ka tusayay maalmihiisa u na muujinayay in uu baadi goob ugu jiro farxaddiisa goor ay ahaata na uu heli doono, markii uu soo gaadhay “ tanina waa qayb noloshayda ka Mid ah oo la yidhaa intership” ayaa uu isna niyadda iska yidhi tanina waa qayb maalmahaaga ka mida oo la yidhaa dawadii Nairobi, is ga oo samo badan ka filaya gashaantidii ay dharaaro ka hor kulmeen. Waxa na uu ku jeestay Mobile ka oo indhaha ku dhuftay farriin Deeqa ka timid. Waa farriin ay ahayd in uu mar hore arko, si uu u dareemo waxan uu dareemayo. “Waqtiga badankiisa, baxnaano rejee, inaabti, waa hawl aduun oo culayskeeda leh wixii aad ii ga warrantay, dhab ahaan, waa ay cuslayd. Nolosha iyo gacaladaadii hore mid na eedda saari maayo, si fudud, waan se ku la dareen ahay. Macnaha jiritaankeenna ayay xallad u yeelaysaa dhibtu, waayo-aragnomo badan iyo khibrad na waa aad ka kasbatay oo hungo ma joogtid. Aan soo dhoweeyo hadalka e, anigu waxa aan kuu noqon doonaa dhaymo nafeed oo wax ku tara, aan dhaho waxa aan ku ilowsiin doonaa hantaaqadaa ku soo gaadhay iyo qarribnaanta waayaha. Adiga na waxa kula gudboon ka bixidda xayndaabkii hore iyo tagtadii silloonayd ee aad jeclayd in aad kusii jirto.”
Farriintaas ayuu mar iyo laba ba akhriyay oo hoos isu yidhi tolow ma dawo intan ka wayn baa kuu hadhay. Waxa uu isku qabtay, hadaladan ka hor, in uu bukay iyo in kale. Waxa ay uga dhignayd fursad uu isku heli karo, baadigoobkii uu farxadda ugu jiray na ku hanan doono. Waa ay qurux badan tahay, qalbigeeda iyo wejigeedu na wax badan ayay wadaagaan oo ay ka mid yihiin sida qof waliba u jeclaysanayo aragga muuqeeda iyo erayada qalbigeeda ka imanaya ee beerqaadka ah.
Sanad buure ah ayaa ugu buuxsamay Nairobi. Iyadu waxa ay sugaysay dhoof, isagu na waxa uu sugayay iyada. Sida dhabta ah na iyadu ba waa ay sugaysay. Sidii ballanku ahaa, waxa ay ka dhabaysay in ay u noqon doonto goob farxadeed iyo aag uu ku ilaabo dhibaabihii hore, isagu na waxa uu gutay waajib ninmimo oo wanaagii loo galay kuma wacad furin.
Wada jooggoodu waxa uu ka dhignaa wax kasta oo wacan. Waxa na uu lahaa qurux kasta oo la sheego, asalkeeda ba jacaylku waa qurux marka uu dadkiisa helo, dadku na waa gob markay jacaylkii ay xaqa u lahaayeen helaan. Macna kasta oo farxadi lahayd iyaga oo marti galigay ka na xoroobay aragti kasta, oo gurracan oo ay qabeen, ayaa subax hore la ga la soo hadlay safaaradda oo loo sheegay in ay fiisaheedii soo doonato. Waxa ay galeen toddobaad diyaar garaw ah oo iyada la gu sagootinayay, xasuusahoodii oo waara iyo dardaaranno kale na sii galeen. Ballanmahoodii oo guur u wayn yahay na ka sii doodeen oo meel haboon Isla dhigeen. Subax hore oo salaasa ah ayuu taxi ku qaaday oo u galbiyay garoonka diyaaradaha ee joma kenyata. Waxa ay wada jir u gu heesayeen:
“Wacadka keennii dunshana
Ayaa doqonnimo raaciya”
Haa. Wacad kan oo kale ah in la dumiyaa wax kale oo dhan ma aha ee waa uun doqonniimo. Markii uu diyaaradda saaray ayaa uu ku soo laabtay goobtii ay wada fadhiisan jireen oo uu markan keli ku yahay. Waxa u xigay maalmo kale oo ay maqnaansho ku ka la qaateen. Masaafadu waa cadaw oo waxa ay mar walba abaabushaa dareenno taban oo la isu qaado iyo ka la shaki dareen abuura. Marka se labada qofi ay yaqaannaan waxa ay rabaan mushkiladdu way yaraataa oo hadafka wayn baa wixii tamar la hayo la gu maalgashadaa, sidaa daraadeed, iyaga masaafadu waxa ay uun uga dhignayd in ay jidh ahaan u Kala maqanyihiin oo saamayn kale kuma ay yeelannin.
Haddii riyada u gu wayn ee ay lahaayeen ay tahay kulankooda iyo ku wada noolaanshaha hal magaalo, waxa uu dedaalkoodu ahaa sidii ay u ga dhabayn lahaayeen middaas. Isa ga iyo iyadu ba waxa ay ka sinnaayeen sidii uu nolosha qurbaha u gu soo biiri lahaa, ugu danbaynna waxa ay ku guulaysteen qorshahaa nafhurka ahaa. Waxa uu galab qorraxdu si wacan u muuqanayso ka soo degay garoonka Zurich Kloten Ee dalka Zwitserland. Waxa qaybta sugitaanka u taagnayd oo imaanshihiisa dheraraysay deeqadiisii. Kolkii uu soo degay waxa ay is kaga soo ordeen meel fog oo laab gelin xiiso iyo hilaw ka muuqdo isku la hamuumeen. Waxa ay guddoonsiisay ubax guduudan, ka dib na waxa ay isu raaceen hoygii uu sii degi lahaa.
Guri qof wax jeceli u diyaariyay qofkiisii oo carafta xiisuhu hadhaysay ayay ku soo dhawaysay. Waxa markiiba saaqay oo uu sanka la raacay cadarkii uu ku yaqaannay. dabadeedna, cod hoose ku yidhi "Horta adigiyo ubaxa kiinnee udgoon? Inta aanay eray odhanna isugu halceliyay dee adiga. Waxa uu fadhiistay isaga oo ka fikirayo dharaartii barashadooda ee ay diyaaradda guud saarnaayeen, mashaqadii uu maalmahaa dhex hawaaray iyo wixii ka danbeeyay ee jacayl, xiiso iyo boholyow ahaa. Kan hore mise kan danbe, keebuu wayneeyaa oo xusaa labada jacayl? Naftu waxa ay jeceshahay wixii xasuuso qadhaadh la xidhiidha, isla nafta uun baa haddana jecel daryeelka oo karahsata ballan ka baxa iyo wacadfurka. Waxa uu is dhaafiyay fikirkaas aan xiligiisii joogin maskaxda oo aan kala tashan soo daynta xasuusahaa tabanna hiifay, dabadeed inta uu fadhigii ka kacay u jihaystay in uu si kama danbays ah u qubo xasuus kasta oo hore, cod aanay gacaladiisu maqlaynna ku yidhi: Laba caashaq waa kee?
Comments
Post a Comment