Fanka iyo Waayaha
Waayaha adduun iyo lurka ku lammaan ee qalbigaaga sida hootada uga taagan ayaad ka murugsan tahay. Haddii aad hurdo u hollato waxa aad is aragtaa iyada oo waagu galac yidhi. In mashaakilkaagu hurdo kuu diideen iyo in xanuun jiro inta aad ka fikirayo baa qorraxda oo shaqadeedii maalinlaha ahayd wadataa daaqadda qolkaaga ka soo dhex baxdaa. Qorraxdu dadka kale waa u rejo, adiga se, wax ay kuu tahay ma garaneysid! In ladh kugu soo kacaya aad ka gam'i waydo, miyaanay xanuunada ka mid ahayn? Haddii ay Saado Cali ku heestey, “cuduradda aan la dabar jarin, caashaqa ha lagu daro.” Si la mid ah ayaa aan u leeyahay, ladhkaa ha lagu daro xanuunada daran ee fikirkoodu na geyaysiiyo in aan ka gam’I wayno. Waayo, sida uu Saado dhibta ugu hayay caashaqu baa adna hibashadu dhib kuugu haysaa.
Marka deegaan iyo bulsho cadiban aad ku dhex korto, waxa aad qabtaa waaya'aragnimo diiqadeed waxa aadna u baahan tahay baan nafsadeed. Subax walba, foolxumo kaa nixisa baa ku hortaalla. Waa halka 'Chronic stressors' laga dhaho cilmiga nafta. Saboolnimo baahsan, nolol tayo xun, bulsho isku raran, siyaasadgumayn ah iyo foolxumooyin qaangaadh ah oo kale ayaad u soo joogtaa, welina dhacdooyinka fooshaxumi, sida hogol daruur ah dushaada ugu da’aan! Waa aad og tahay qof sidaa ahi, in uusan hurdo iyo hoyaad helayn! Tabtaas baa lurka iyo mushkiladaha nolosha iyo qof kasta oo inaga mid ahi xidhiidh nafsadeed oo wayni uga dhaxeeyaan.
Marwo, dareenka heesta ee dhibanannimo ee ay qaadayso, waa waaya'aragnimo aynu wada marno qof ahaan iyo bulsho ahaanba oo hees laga dhigay, xiriir qoto dheerna la leh degaanka aan ku abuuranney iyo duruufta nagu xeeran.
"Dani fiicni ma lee, waa halkay ku fartaa" ayaa ay Marwo ku bilawday heestan buuraha ka culus. Erayo ahaan uma cusla, ee fikirka quusta leh iyo erayada ilmadu ka da’ayso ee waayaha adag ee nolosha ku arooraya ayaa micnaheeda cuslaynaya. In aanay dantu eegin, kalana jeclayn waxa qofka u daran, ama u dan ah, ayaynu isla judhii ba kala baxaynnaa halkan.
Sida aad ka war qabto, sida ay dantu u tahay waxa ugu wayn ee nolosha qofka jaangooya marka qaddarka laga yimaaddo, waxa aad marar badan ku arkaysaa suugaanta iyo maahmaahyada afkeenna. “Dan iyo xarrago is wayday” iyo “Dantaada waa loo dibjiraa” ayaannu ka xusi karnaa. Mar kastana dantu xorriyad kuma siiso, naftuna xarrago bannaan taalla iskama hesho. Danta ayuu qofku ku gawracan yahay.
Marar badan dhawr kelmadood ayaynu kaga gam'i karnaa qalalaasaha dunida iyo qaxarkiisa joogtada ah. Macno la'aanta aynnu dareemaynana, waxa aynnu isku ilowsiin karnaa isla erayo aan macno lahayn ee aynnu daroogo ahaan u isticmaalaynno, inaga oo nayaayiro ka dayaynna.
Sidaas baa kolkii ay heesta Marwo kuu gu soo duushayba aad dareenkaaga u soo xaadirisay adiga oo quusta ay ka warramayso indho waayo-aragnimo leh ku daawanaya, khiyaalkaaga na u foofinaya si hortaa bannaan ah. Waa marka aynu ku doodi karno, khiyaalku waa mid ka mid ah khayrkaadka dabiiciga ah ee qof kasta, kaas oo u sahla dadyow gaar ahi in ay sii daalacdaan humaag qurux badan oo noloshiisa ku lamaan. “Alla maxay kadeed qabaan kuwa kashooda khiyaalku ka madhanyahay”Ayaadna niyadda iska tidhi.
"Xiddig foorara baan
ku faruur xidhanay
Sidii ruux falan baan
Dadka feedh ka maraa
Foof daran habaabee
Anuu felegga meeraa
Igu faro yaraystaye"
Markii ay intan ku catawday Marwo, waxa ku galay dareen kii hore ka duwan. Waa dareen kelinnimo oo ay weheliso nasiibxumo. Waayo, marka cilmiga xiddigiska la joogo waxa jira godad ka warrama nolol sareedo leh iyo badhaadhe iyo kuwo kale oo, nasiib xumo iyo saxal ka war bixiya. Sida ay haddaba Marwa sheegayso, xiddigiskeedii waxa uu ugu beegmay mid foorara oo aan rejo wanaagsan soo wadin, nasiib xumada kale waa in ay xidiggaa rejo ka naawilayso. Sida ay ka marag kacaysana, waa naf waayuhu ka hiiliyay oo felegga qudhiisu ku wacad furay.
Noloshu waa bar cad iyo geed abaar ah oo cagaarintiisa lagaa rabo, inta aad geliso ayaad na kala baxdaa. In kasta oo qaddarku shookaanta u hayo, haddana waxa ay runi tahay in la iska rabo dedaal iyo waxqabad. Adiga oo fekerkaa ku hawllan, maankaagu na abaartaas ku maqanyahay ayay Marwa soo tuuraysaa beydad kale oo kuwaa hore ku xigay.
"Falaadh weeye jacayl
Fudayd kuugu dhacdee
Feejigaad ma lehee
Waa wax foore sidaa
Ma filaynni markuu
Fadhi iigu yimee
Feker igu abuuray"
Kolkan inta aad fasax daqiiqado ah ka soo qaadato fikirkaagii ku jihaysnaa dunida iyo waayaheeda, ayaad la shawraysaa naf qalalaasaha aduun jacayl u raacay. Asalkabana waxa jira mashaakil laga siman yahay iyo mid gaar la la yahay, waa na ta beydadkani sii xusayaan. Sida heesta ku cadna, jacaylku ma aha wax laga feejignaan karo. Waa shil iyo badwayn uu qofku is arko isaga oo dhex taagan.
"Fiidadaw cir da'aan
Dabaylaha la faqaa
Gudcur fiintu cidaan
Ka faquuqnay dadkee
Fahma beelayo waan
Fakaloonsanahee
Mar uun ii falsamoow"
Sida la arko marka qofku ka biyo diido waaqaca uu markaa ku jiro maalmuhu na ula muuqdaan kuwo macno la'aan ku sii dhowaynaya, waxa sahlanaata in qofku jeclaysto kelinimada oo uu goonni socod noqdo; taas oo loo sababayn karo ka baxsashada waydiimaha ka ga imanaya bulshada iyo tahli waaga ka warramidda taagantiisa. Sidaas si u dhigan ta, ayaa ay Marwi ku heesaysaa iyada oo wehel ka deyaysa dabaylaha ka na fogaanaysa dadka. Erayga maankaaga gadayaayi waa: “Mar uun ii falsamoow.” Waa codsi aad u diran karto qof ama qofaf. Waa arji aad u qoranayso qoftaadii oo kugu xumaatey. Mar kalana waaba dhanbaal aad waayaha ku jihaynayso adiga oo ugu sii dhiibaya maalmaha dhankiisa u socda.
"Bal u fiirso aduun
Lib ku faan ma leh
Ferej khayr leh rabbaa
Markuu doona fura"
Kolkan waxa aad intan la doonanaysaa meeriskii gabyaaga Soomaaliyeed ee ahaa "Nin dharaaro haystaba, sandalad loogu soo dhigay" waa dhab. Dunida naf bilaw iyo dhamaad lib ka la hoyatay la ma sheegin. Mar walba, Marwa inta ay ladh kugu kiciso ayaa ay fikir hor leh kuu diraysaa. Waxa aad is ku laab qaboojinaysaa, in maalmahagii iyo kuwii bulshadaadu ba iyaga oo sareedo wata ay soo socdaan iyo weliba in gargaarka Eebbe furan yahay oo xiliga aad filashada qabto ka ba soo horrayn karo. Tani mar waa is hogatusaalayn cid kasta oo kale wax loogu sheegayo, marna waa xasilin nafta kasheeda loogu buuxinayo dareen rooxaaniyadeed.
Baydka kale ee yaabka lihi waa;
"Midho soo fufay iyo
Nabsaan foolceliyaa
Waa intaan ku farxaa".
Lexjeclada aad ka qabto cid aad jeceshahay, waxa ay kordhisaa wanaag filashadaada. Qofkaas na, in sir iyo caadba wax u gaadhaan waad diidaa. Marwa lexjelada ay jacaylkeeda u qabto, waxa ay gaadhsiisay in ay nabsi horjoogto oo ay diidantahay in qofkeedu mustaqbalka iyo iyaduba ay eed ku yeeshaan. Waa nabsiga waxa aad ka sheegaysee. Welibana ay tahay inta ay ku faraxsantahay. Mar waa dareen tudhaale iyo diirnax leh in ay jacaylkeeda u diido mushkilad mustaqbalka sugaysa, marna xilkasnimo iyo dareen xaruurinimo in ay sidaas ugu faraxsantahay. Mar walbana, Marwo waad iska dhex aragtaa. Waayo, waxbaad wada qabtaan
Comments
Post a Comment