Dhoollacaddee!
Barashadu lababa si gaar ah bay ugu bilaabantaa. Safar, derisnimo ama si kale. Intaas wixii ka danbeeya ayaa lagu kala duwanaadaa tarminta sheekada, quwaynta xidhiidhka iyo qotodheeraanta isfahanka. Waxay dhahaan xidhiidhadu waa sida ganacsiga oo lababa waa halkii ay iska hesho iyo sidii ay isu fahmaan. Waa war culimada jacaylka ka yimi. Labadooda waxa ay qaddartu kulmisay iyaga oo yaryar kolkii ay daris noqdeen ee waxbarasho iyo waayo-carruurnimo oo badan ba wadaageen.
Gu' ama labo ayuu ka waynaa, taas oo marar badan keenta in uu ku xifaaliyo oo ku doodo waan ku korsaday e carruur baad ahayd. Iyaduna waxa ay kaga falcelisaa dareen gabadhnimo oo xishood iyo u riyaaqba isugu jira. Kaftan baa jacayl dhala. Sida ay mucaashaqiintu ku doodaan, iyaguna kala siman yihiin, waxa ay qabaan in la isu abuuray oo ruuxdoodu ifka ka hor is taqaannay iyaguna markii ay adduunka yimaaddeen is gacloodeen oo xidhiidhkoodii ilaa dura soo taxnaa sii xoojiyeen. Waa dareen macaan oo ay isku sabaaliyaan wakhtiga ay wehel la'aanta dareemaan. Waxa ayna ruuxda ku maaweeliyaan in maaddinimada ay ka xeeldheertahay macnawinimadu; sidaa darteed xumadda kalafogaanshahooda waxa ay isku ilawsiiyaan erayo ay ku suuxiyaan xubnahooda jacaylku nugleeyay.
Labaatan sano ka hor ayay ahayd markii ay xaafadda Maxadka ee Burco isku arkoodeen ee hilawga iyo xiisuhu u bilawday, is-arag si fawdo ah ku bilaabmay boholyowna ku danbeeyay, jacaylka iyo is-ahaanshuhuna ugu xigay. Maalmo dahabi ah ayay u ahaayeen oo kashooda samo iyo kalgacayl ku beeray, waana waayadii Burco ahayd xudunta dhaqaalaha iyo goob muhiim u ahayd dawladdii askarta ee ugu danbayntii dadkeeda qalatay. Beryahaa ayaa ay xaafaddan Maxadka oo ilbaxnimada iyo isdhexgalka magaalada ku suntanayd soo degeen qoyska Qadan iyaga oo ka soo guuray magaalada Buuhoodle oo ku taalla Hawdka Togdheer. Waxa ay labadooduba xasuus wadareed ka haystaan maalinkii ay soo cagadhigtay xaafadda isaga oo kula kaftama daalkii safarka ee ka muuqday maalintaas iyo sida ay qariibnimada u dareemaysay. Qadan iyaduna kama yaraysato e, kaftankaa waxa ay kaga jawaabtaa in Khayrre kuray yar oo qalqaali ah ahaa, waayo waxa ay xasuusataa in maalinkaa ay soo degeen guriga kooda raacsan isaga iyo wiilal uu ku jiraaba ay fadqalalaynayeen dadkii alaabta gurayay. Sidaas ayay ahayd bilawga barashadooda oo cusaybka kala mid ahayd sida ay Qadan ugu cusubayd magaalada. Sida umaduhu u leeyihiin taariikh dhaxal ah oo ay waayahoodii hore uga daawadaan sida muraayadda, ayaa qof kastaana u leeyahay dharaaro khad dahab ah ugu xardhan. Qadan iyo Khayrre maalmahaasi beri samaad ayay ugu calaamadsan yihiin.
Dugsi quraanka ayay markale ku jaareen oo subaxii isku mar ayay guryaha ka bixi jireen soo noqodkana haddii ay isku beegmaan waa ay isa soo raaci jireen. Xidhiidhkoodu inta uu ahaa mid qorshaysan waxa ka badnayd inta uu ahaa mid isdaawasho iyo iyo daymo kalgalac ku dhisan. Markale, ayuu Khayrre oo iskoolka ku horreeyay ku soo dhaweeyay Qadan oo markan bilaabaysa dugsiga, halkan iyo goobtan ayuu ku sii kordhay xiisaha uu mid waliba ka kale u qabay; haddii xidhiidhkoodu beer ahaa dugsiga Jamaal Cabdinaasir waa wabiga waraabiyay beertaa ilaa ay bixisay midho ay macaankooda meel fog ka dhadhansadeen. Jid iyo jidiin ba waa ay wadaageen. Subax hore ayay u jarmaadeen dugsiga iyaga oo midiba ka kale sheekadiisa u hamuun qabo; labiskeedii qurxoonaa, talaabadeedii firfircoonidu ka muuqatay iyo dhoolacadaynteedii ay ugu deeqi jirtay marka ay wajiga isku dhuftaan ayaa wali Khayrre kusii mudan oo xasuusta uu hibanayo horkacaysa. Nolosha oo sidaa ah, doonista ay ka midaysan yihiinna tahay in ay sii wadajiraan ayaa uu isagu dhameeyay dugsigii hoose dhexe oo u wareegay dugsiga sare ee Sh. Bashiir, Qadan iyaduna waxa ay sii wadatay dugsiga. Masaafo yar oo jidkii ay wadaraaci jireen kala leexisay ayaa timi, ismana ay lahayn masaafadaa oo sii siyaadday baa sababi karta in uu midkiin ba qol madaw xasuusta jacaylkiisa kala dhex ooyo.
Sanadkii 1983 dhamaadkiisii ayay ahayd. Burco iyo gobaladdii Waqooyi ba waxa maalmahaa ka aloosnaa kacdoon lagaga soo horjeeday dawladdii Kacaanka iyo foolxumooyinkii ay shacabka ku haysay. Africa iyo kalitaliskeeduba waxa ay wacad ku mareen in ay kala irdheeyaan kuwa cid isugu xiga ee ehel, saaxiibbo iyo lamaanaba leh. Colaaduhu maadaama ay noqdeen astaan ku tolan diirka qofka Soomaaliga ah, wax badan la iskama waydiiyo sababta ay u dhaceen, malaha waxa ka dhaw in la iska waraysto sababta ay u dhici waayeen marar badan, waayo in birta la iska aslo ayaa hadafku noqday. Dhanka kale, xiliyadaa siddeetamaadkii dawaladda oo sida qaalibka ah laga filan karo adeeg bixin iyo daryeelka muwaadinka ayaa isu rogtay horor laga cabsado oo haddii sunnaha dawladnimadu ahaa in lagu soo eerto, markan waxa laga door biday kaymaha iyo in dugaagga laga hoos galo.
Kacdoonka iyo dhiiladiisu cirka ayay isku sii shareereen. Dilka qof caan ah, xadhigga muwaadin aan waxba galabsan, handadaad iyo bandaw ayaa hadheeyay magaalada. In kasta oo dadku ka gaws adaygayeen in ay dagaallamaan, haddana, waxa fursad siinayay askarta oo ficil kasta oo la iskaga hor iman karo samaynayay. Xorriyaddu waxa ay maalmahaa ahayd wixii loogu baahida badnaa sida qudha ee lagu heli karana waxa ay noqotay dagaal la isku dhaarsaday; sidaa darteed bay jabhaddii SNM u noqotay jidkii ay soo raacday xorriyaddu markii ay baadidoonka ugu jirtay in ay dib ula midawdo dadkii xaqa u lahaa ee la kala fogeeyay. Qalaalaase iyo salkacsanaan kacdoonkaa ka dhashay ayaa maalmahan magaalada ka jiray. Qoysas badan ayay saamaysay oo magaalada ka guurayay, kuwo qurbaha qabanayay, miyiga kuwo u baxayay iyo kuwo deegaano kale u guurayay ayay isugu jireen. Kacdoonkii socday dad buu naftooda galaaftay, halka uu kuwa kale nafsad ahaan u dilay ee ay qalbi ahaan u dhaawacmeen.
Qadan iyo Khayrre kuwan danbe ayay ka mid ahaayeen, tallanka aan tudhista lahaynina waxa uu u bilaabmay kolkii ay sheegtay warka ah in xaafadoodii Buuhoodle ku noqonayso oo ay guurayaan. Habeenno badan ayay ka fikireen xaalkooda sii xumaanaya ee quusta ah, waxa ay ka doodeen waxa ugu wayn ee sababta u ah kala fogaanshahooda. Kala duwanaanshaha haybta labadooda reer ayay mar ku sheegeen; mar kalana waxa ay xuseen gardarrada dawladda kacaanku in ay tahay halka dhibkoodu salka ku hayo. Waa wax iska caadi ah in dawladi sabab u noqoto midawga laba qof oo ku hoos nool, waxa se qariib ah in ay isla dawladdii arrinkaa laga filayay ka shaqayso kala irdhaynta laba rabay in ay is weheshadaan. Way ka xumaayeen xilkasnimo la'aantaa, waxa ay se isku samirsiinayeen in ay ku hoos jiraan daladda wayn ee JACAYLKA oo aanay ka filaynnin in laga saaro.
Maalmo kale oo fikir xanbaarsan ayaa gudbay. Mid kastaaba gaarkiisa ayuu uga fikirayay in uu keeno xal lagu badhaadho oo uu lamaankiisa farxad iyo xasilooni ugu horseedo. Jacaylku haddii uu magac kale yeelan lahaa waxa uu noqon lahaa deeqsinnimo; maxaayeelay iinsaanku waxa uu ugu baahi badan yahay in uu xasilooni helo, cidda qudha ee ugu deeqi kartaana waa qof jecel. Nasiibdarro se, jacaylka iyo xasilooniduba meel cidhiidhi ah bay ku jiraan. Quusta iyo rejada dhexdooda ayay hadallo kooban isku waydaarsadeen, Qadan in ay berri tegayaan ayay sheegtay oo dibno awooddu gabtay ku tidhi. Aad bay niyadda uga daallanayd oo nolol xumo iyo karah u dareemaysay. Wajigeedii farxaddu ka sokayn jirtay foolxumo badan baa saarnayd, quruxda iyo wax kasta oo weheliyaana waxa ay u eekayd in ay fasax ka qaateen. Isagu waa uu niyad xumaa, cadho uu askarta iyo dawladda u qabay ayaa u wehelisay. Waxa uu ku sugnaa xaalkii ay Soomaalidu ku maahmaahday 'Nin ragi ama ciil buu la gabyaa ama caashaq.' Markan labadaa dareen ba waa ay ku kulmeen. Inuu gabyo ayay ahayd. Mustaqbal foolxun iyo maalmo aan u wacnayni in ay soo wajahan yihiin ayay si isku mid ah u dareemayeen. Si aan xarako badan lahayn ayay laabta isu galiyeen, xaalad caalwaa' ah ayay ahayd. Daqiiqadahaa dayaxa oo sii dhacayay waxa uu ka dhignaa farxadoodii oo god ku shalwanaysa. 'Khayr bay noqon' ayuu si baraad la'aan ah u yidhi. Way ka daba tidhi oo sii raacisay 'Waan ka xumahay.' Dayaxii wuu dhacay, Qadan iyana waxa ay ku libidhay gudcurka dhexdiisa, isaguna halkiisii ayuu sii taagnnaa ilaa ay ka libidhay, markaas oo uu isaguna ku dhex carceeray gunta hoose ee khiyaalka.
Dharaarihii uu qofku ku naaloon jiray in ay si kadis ah tagto isugu bedalaan waa culays nololeed oo qofba mar soo wajaha; goobihii qofku nasiinada u iman jiray ee deganaanta ka raadin jiray in ay boog damqata ku noqdaanna waa xanuun kale. Khayrre dareenno isku dhafan oo sidaas ah buu marti u noqday oo taagantiisii macnaha lahayd ee uu xiisaha u hayay ayaa mar kaliya ku noqotay leeb waqtigu ku ganay waaqacuna ku liiliijinayo. Habeenka uu Qadan lasoo caweeyo gogoshii uu isaga oo qanacsan hurdada dheer ku gali jiray ayaa qalaysay. Jidkii dusgi quraanka, kii iskoolka iyo meelihii ay ku cawayn jireen oo awel xasuus qurux badan u ahaa ayuu hadda ka leexdaa isaga oo wali damqasho iyo lexejeclo u haya.
Qadan subax hore ayay dusha uga baxday gaadhigii ay ku guurayeen. Daruuro roob sida iyada se cabsi ku abuuray ayaa dushooda heehaabayay. Jidkii ay kal hore soo mareen iyaga oo nolol raadinaya ayay haddana sii qaadeen iyaga oo nolol doon ah. Meertada nolosha ayaa iska leh in goob aad shalay ka hulleeshay waayuhu dib kuu badaan oo aad bedbaado biddo adiga oo kolkan ku niyadsan. Wadada dheer ee ay maanta hayaan maalinkii hore ee ay soo mareen waxa ay ahayd abaar oo dhulku omos buu la foolxumaaday, maanta se waa barwaaqo oo biyaha ayaa meel kasta oo godan jiifa, xoolaha oo dhereg la jiifaana xagaafka meel aan ka fogayn bay ka muuqdaan. habeedda geela iyo iyo wax kasta oo barwaaqadan ka farcamaa macna aad u wayn bay u samaynayaan dadka gaadhiga saaran, marka laga reebo Qadan oo iyadu dhex socota daaraha xaafaddii Maxadka iyo Burco. Waqtigu haddii uu hore uga shaqeeyay barashada Khayrre iyo Qadan, waxa uu mar kale ka adeegay kala fogaanshahooda. Sida la sheego, masaafada laba isjecel u dhaxaysaa inta ay xiiso abuurto ka badan ayay khilaaf iyo hinaase ama masayr abuurtaa. Sida uu jacaylku cadaw ugu yahay nacaybka ayaa masaafaduna cadaw ugu tahay jacaylka. Kulamadii ku xidhnaa xiisaha iyo in midkood codsado, hadda waxa bedalay fikirka uu mid waliba la kaliyaysto iyo farriimaha qof waliba gaarka u qoro ee ama luma ama cid cadaw ah gacanta u gala, sida ay iyaguba cadawga u yeesheen ee u kala fogaadeen.
Maalmo badan ayaa tegay. Taariikhdana waxa si isdabajoog ah ugu biirayay dhacdooyin murugo iyo qosol ba leh. Kacdoonkii Waqooyi ka socday xadhkaha ayuu sii goostay. Waxa dhacay dagaallo lagu riiqmay, shacab la laayay iyo intaa labanlaabkooda oo barakacay. Nolol qarriban baa la galay, silica iyo darxumadana waa la qabatimay ilaa laga helayay wixii la rabay oo xorriyad ahaa. Dagaallo badan oo marba cidi guulaysanaysay baa is xigay. Hebel la yaqaanno bay rasaastu salfanaysay. Qiiqa baaruuddu wuxu sababay firidhka dadka ee ay qaybiba meel ka dhacday. Cabsi ka dhalatay deryanka hubka ayaa nuglaysay shacabka badidood.
Bishii May ee 1988kii ayaa ay jabhaddu soo gashay Burco oo la wareegtay gabi ahaan ba. Shacabka waxa ay uga dhignnayd guul taariikhi ah, jabhaddana furasho wayn iyo yool ay xaqiijiyeen oo sii shiidaalinayay halgankooda. Khayrre isagu markii uu xamili waayay kalinimada iyo galtiga uu ku yahay xaafaddii Maxadka ayaa uu go'aansaday in uu jabhadda ku biiro, sidaasaanu imika dhawr bilood jabhad duurka ku jira ku ahaa, Qadan oo wayday fariimihii ay ka heli jirtayna kolkii ay ka war heshay in uu jabhadda ku biiray waxa fikirkii hore ee masaafada ugu darsamay in ay ka werwerto geerida uu qarka u saaran yahay iyo xabadda saacad kasta haleeli karta. Hase ahaatee, markii Burco lala wareegay waxa uu isku qanciyay in uu jabhadda ka hadho oo magaalada iska joogo maadaama ay hadda bilaa handadaad iyo cagajuglayn tahay, amintaas ayay farrimihii jidka dheer ee Buuhoodle iyo Burco isku xidha sii mari jiray ee soo mari jiray dib u midoobeen muxibadu da'ayso bay kala guddoomeen. Sida ay magaalada dadkii ugu soo noqdeen ayaa ay iyaguna dib ugu hantiyeen dareenkoodii farxadeed ee masaafadu wiiqday, jabhadnimadu se goysay. Midawga macnawiga ah ayay u riyaaqsanaayeen. Wixii uu lumiyay ee masuuliyad ahaa bay ku canaanatay iyo go’aankii aanu ka talagalin ee uu jabhadka ku noqday. Dib-ukabasho iyo laabxaadhasho ayaa u bilaaban tay.
Dhanbaalka maanta uga yimi dhankii Qadan, ayaa uu caawa ka seexan la'aa oo rogrogayay. Waxa ay u sheegtay in ay dhoofayso oo qoyskoodu ku wargaliyay in ay dhawaan bixi doonto. Haddii uu markan sii arki waayo xiliga danbe ee ay ku qaadan doonto buu ka fikiray. Habeen kale oo tallan iyo farxadi isu bedbadalayeen buu ahaa. Falanqaynta uu khiyaalku weheliyo ayaa waqti badan ka qaadatay, Waxa se fikirkaa soo soke maray halka ugu munaasibsan ee uu maalmaha soo socdaba kula kulmi karo. Jabuuti oo ay diyaaradda ka raacayso bay noqotay in uu ku sugo iyadana sidaas ayuu ku wargaliyay. Wuu safray. Safar uu ku doonayo in uu dib ula midoobo ruuxdiisii kale iyo qofkii loo abuuray. Hargaysa, Saylac ilaa jabuuti ayuu jidka dhereran sii maray. Socodka dheer waxa u weheliyay in uu sharcidarro ku gelayay Jabuuti oo ku keentay leexleexadka iyo in waqti badani kaga lumo. Ugu danbayn se waxa uu galay Jabuuti oo ku negaa dhawr cisho kulaylkeeda iyo cimiladeeda xamili la'aa.
Qadan waxa ay soo gashay magaalada iyada oo sidi la' dareenka xiisaha, hilawga iyo jacaylka leh ee ay u qabto in ay la kulanto Khayrre. Tabta hooyo u buseeshay ilmaheedii curad oo ay ka socdaashay ayay u hibanaysay xasuusta ay la harjadday ee madaxeeda cusleeyay. Si kadis ah ayay noloshu u kulmisay oo u kala dirtay, macna wayn ayaanay caawa u samaynaysay in ay si kadis ah ugu tagto oo iyaduba qayb ka noqoto kadisyadii ku kulmay labadooda. Fiid hore oo nalalka jidadka iyo kuwa baabuurtu is cawarayaan, barbaar caways usoo baxdayna dariiqa is garbinayaan ayay iyadu so dhex qaadday dad iyo waddooyin aanay midna aqoon. Barta uu degay oo ay tilmaanta hore u waydiisay isaguna si baraad la’aan ah ugu sheegay isaga oo aan kadis ka fikirayn ayay ku jihaysnayd oo maankeedu jiray. Tabta qof tareen alaab qaali ah ka saarnayd ka dhaqaaqay oo ka daba ordaya yay u soconaysay. Way kaytoonayd Qadan. Isaguna waxa uu sugayay farriin uga timaadda iyo ballan ay qabsadaan, waayo kadis ka waxa kaliya oo uu ku yaqaannay nolosha ismana uu lahayn cid kale ayaa awood u leh. Carte Hotel ayay la soo laabatay dayrkiisa wayn oo hore usii gashay gudaha ilaa ay qolkii uu deganaa is hor taagtay oo magaciisa laba jeer iska dabatidhi.
Markii uu maqlay codkeeda debacsan ee naxariista huwan waxa ka duulay wahabkii saarnaa iyo caajis uu dareemayay. Kolkii se ay qosolka muusood ka ah raacisay waxa uu dhulka dhigay wax kasta oo uu hayay; xitaa fikirkii ayuu joojiyay oo ogaalkiisa soo xaadiriyay. Waa uu soo hinqaday oo irridda isa soo taagay si naxdin iyo u qaadan waa’ ah. Waxa uu isku qabtay codkii uu maqlay in uu keedii aha iyo in kale. Wajigiisii canbusnaa ayaa is furfuray, agagaarka oo dhanna xasilooni baa buuxisay. Dareenka aanu aqoon ee duunkiisa xulay ayuu ku haftay. Wuu isgaran la'aa, Waxa uu se ku war helay iftiinka ka dhashay dhoolacaddaynteeda oo qolkii madawgu ku baahsanaa u beddashay fagaare camiran oo caways qiima lihi ka socdo. Iftiinka ayaa sii baahay. Dareen nuglaansho ah ayay la debceen xubnahedu, hadal bay u hollatay, wayse tahli wayday oo ku mergatay erayadii ay soo wadday. Xasuustiisu waxa ay ku banjartay amintii uu codkeeda maqlay, maamulka dareemihiisuna waxa uu ku lumay isla goortii uu wajigeeda indhihiisa la helay. Cabaar ay takhlanaayeen ka dib, isaga oo raba in uu dib u hantiyo dareenkii macaanaa ee sida hilaaca u maray, wuxu yidhi: “DHOOLACADDEE.”
Comments
Post a Comment