Casriyowga colaadaha beelaha:

Dagaalku waa wax soo jiray tan iyo intii aadanuhu jiray ee dhulka ku dhaqmay. Waa wax nolosha ka mid noqday, had iyo jeerna wuxuun buu ka dhashaa damaca aadanaha ee sedbursiga jecel, dulmiga iyo caddaalad darrada cidi tirsato. Qeexitaannada falsafadda dagaalku waa ay badan yihiin oo filasoofarro badan iyo gabyaa badan oo Soomaaliyeed ba waxay iska taageen dhinacyo kala duwan, dabcan aragtida shakhsiga ah iyo ta bulshaduna kama madhna qeexitaannadaa. Sida uu Saxardiid Axmed ku soo xiganayo maqaalkiisa 'Falsafadda dagaalka' 'taariikhyahankii iyo siyaasigii Daanishka ahaa ee Hugo Grotius (1583-1645) wuxuu ku qeexay in dagaalku yahay xaaladda u dhaxaysa laba dhinac oo loollamaya. Filasoofarkii Ingiriiska ahaa ee Thomas Hobbes (1588—1679) wuxuu ku sheegay dabeecad oo waa xaalad xitaa haddii aan hawlgallo furimaha la iskaga hor imanayaa aanay jirin taagan, marba haddii uu jiro wax lagu hirdamayaa'. Aragtidan Thomas waxaynnu odhan karnaa waa halka aynnu Soomaali ahaan ka adeegsanno maahmaahda: "Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa." Taas oo ka dhigan in xiligii la doono aad diriri karto. Dhanka kale, gabyaagii Maxamed Cabdille Xasan waakii isna lahaa: "Hala is dilo dagaal waxan ahayn daawo lagu waaye" aragtidan waxa ay is waafaqayaan Aristotle iyo markii uu lahaa: “waa inaynnu dagaallanaa si aynnu nabad ugu noolaanno.”


Marka dhinac kasta laga eego qeexitaannada dagaalka la siiyaa wuxuun bay u badan yihiin kuwo caadiyaynaya dirirta, hase ahaatee waxa barbar socda runnimada ah sida nabadda loogu baahan yahay ee ay daruuriga u tahay, in aan dhicitaanka dagaalka loogu baahi qabin oo laga maarmi karo. Ujeedada u wayn ee dagaal u dhacaa waa ismuujin, awood raadin iyo is-muuqininta cidda loolanku ka dhexeeyo si ay koox waliba u lahaato awoodda sare weedheeduna u noqoto mid saamayn leh. Hadraawi na waakii lahaa isaga oo sababaynaya waxa dagaalka ku kalifaya:

"Waxaan duullan u cuskaday
Madal iyo shir ila da'a
Inaan dood ka odhan karo
Inaan daahan garan karo
Dibnahayga bari karo
In la diidi karo yeel"

Si guud dagaalladu wuxuun bay ku salaysnaayeen kala riixashada awoodda, dhaqaalaha iyo saamaynta ay cid waliba baadigoobayso. Bulsho kastaana si iyo habab u gaar ah bay isu dilaysay, dirirtaasina waaqaca iyo duruufa ayay marba isla beddalaysay, hase ahaatee runtu waxay ahayd in laba kooxood oo kasta oo isdilaya mid waliba qabtay in ay xaqa ku taagan yihiin oo iyagu saxsan yihiin.

Sidee ayay soo ahaayeen colaaduhu?

'Qabqab dhaafay baa laba qabiil qaran ku waydaa'

Waayihii tegay ee Soomaalidu imika berisamaadka u taqaanno, ilaa iyo hadda beelaha Soomaalida waxa ka dhextaagan colaado sida ugu fudud ku bilaabma, sida ay ku joogsadaanna adag tahay. Waa la isa soo dilayay oo waa run, wixii berigaa la isku dilayay baana wali la isku dilaa; waxa se cusub habka la isu dilo oo hadda ay dadku isla qirsan yihiin inay foolxumo tahay. Xiliyadaa hore, waxa ay Soomaalidu dilka ka saartay dad dhawr ah taas oo jidaysay xeer qayb bulshada ka mid ahi ku bedbaadaysay. Dadkaa waxa ka mid ahaa Wadaadka kitaab–ruugga ah, maatada oo dumarka iyo carruurtu ku jiraan, martida iyo ergada. Qofka aan xiskiisu dhamayn baa ka mid ahaa. Waxa dhacaysay in dhawr qof inta ay is raacdo ergo ahaan ugu tegayeen beel kale oo ay is hayeen, dabadeed war u gaynayeen iyaga oo nabadqabana kasoo noqonayay, ergadaa in wax la yeelaa wax qariib ah bay ahayd--haddii ay dhacdana mahadho ayay reebaysay. Dhanka kale, waxa iyana jirtay in beel qof ku baxay ay qof dirto oo uu beeshii qofka laga dilay u tago, una sheego in falkaa ay iyagu gaysteen--jid bixiyana ka yihiin, isla markaana qofkaasi wuxu soo noqon jiray isaga oo aan waxba loo gaysan.
Waayahaa ay Soomaalidu is dilaysay waxa ay dagaalladu u dhacayeen si lamafilaan ah, daaqa xoolaha, guri madhan oo qolo degtay, geel la kala dhacay, iyo nin la kala dilay ayaa ugu waynaa wax la isu gacansaaro.

Sida uu Thomas Hobbes qabo, dagaalka waxa uun sababa saddex qodob oo kala ah, 1. Damac, 2. Cabsi, iyo 3. Qab. Isla saddexdan qodob uun ayay dagaal beeleedyadii Soomaalidu ku salaysnaayeen, waana ta keenaysay in qabku noqdo waxa ugu badan ee laba qolo isu geeya. Qolo waliba wuxuun bay ku dedaalaysay in ay hanato sumcadda dagaalka, qabka reernimadana ilaaliso maadaama oo waarinta magaca reerku qori-isu-dhiib yahayna nin walba waxa uu dareensanaa in aanu dayicin wixii looga fadhiyay. Sidaas oo ay tahay, qaayasoorrada bulsheed ee jiray lama taabtaan bay ahayd oo ma jirayn gabadh la dilo, qof anbaday oo la qabsado ama qudha laga jaro iyo ergo nafta la dhaafiyo midkoodnna. Ceeb iyo wax laga sarriigto bay ahayd. Gobannimada oo bulshada meel sare u joogtay baana diidaysay falalkaas gurracan. In kasta oo wax caadiya loo arkayay in la is dilo, qabka iyo sarrayntuna ku imanaysay in la kala adkaado, haddana waxa jiray soohdimo aan la dhaafin. Sida ay qabaan indheergarad badan oo Soomaalidu leedahay, oo aynnu Rashiid Gadhwayne ka xusaynaa, erayga 'Qabyaalad' kuma jirin qaamuuskii hore ee Soomaalida waana eray mardhexe soo biiray oo casriyowgu watay, sidaa darteed yayna sooyaalkii hore ee Soomaalida looga soo helayn erayga qabyaalad, hase ahaatee waxa halkiisa ku jiray erayga 'tol' ama tolliimo oo ahaa eray shaacsane ah.

Dooddaa Rashiid haddii aynnu sii xoojinno erayga qabyaalad waxa uu markiiba u muuqanayaa mid taban oo cid gaar ah u adeegaya ama ka adeegaya, halka erayga tol ama tolliimo laga qaadanayo fahan ah eray nabdoon. Dhanka kale, dagaallada beeluhu ma ay jirin ujeeddo wayn oo dhaafsan ilaashiga qabka oo ay u dhici jireen, taas oo midhaha laga rabay in ay ka dhashaan ay ahaayeen tookha iyo gabayga oo sumcad laga deyayay. Haddaba, Sidaa aanu erayga 'Qabyaalad' ugu jirin qaamuuskii hore, si la mid ah ayaa iyada oo Soomaalidu is dilaysay, colaaduhu u jireen oo dagaalada beeluhuna u socdeen ayaan erayga 'Cadaw' u jirin oo la isuma adeegsan jirin. Suugaanta oo ah kaydka ugu wayn ee sooyaalkeenna loogu noqon karo aad bay dhif u tahay in eraygaa laga soo helo, taas bedalkeeda waxa xoogganaa in qabiil waliba dhankiisa isu faaniyo oo isu wayneeyo, isku soo xooriyoo, in birmagaydadii la dhawri jiray birta laga aslo, in dumar la dilo iyo foolxumooyin kale oo hadda jiraaba ma ay dhici jirin, maanta se beeluhu kolka ay si lamafilaan ah isu dilaan waxa ka soo horreeya in ay isu aqoonsadaan cadaw iyo argagixiso, iyana waa arrin casriga la socotay oo ay tahay in la derso waxa sababaya. Colaadaha beelaha ee xiliyadaa hore sidaas ayay soo ahaayeen oo u dhici jireen. 

 Sawirku waa gobolka Mudug

Waa sidee colaadaha beeluhu xilligan?

Waqtigan casriyowga iyo ilbaxnnimada dhexda lagaga jiro, Soomaaliduna dawladaha kala duwan iyo maamullada yeesheen, colaaduhu halkoodii bay ka sii socdaan. Dagaaladii dhici jiray ee ilaa dura soo taxnaa waji kale ayay yeesheen oo hadda wixii gobannimo ahaan jiray gunnimo ayay isu bedaleen, halka ay salka ku haysaana waa dhawr arrimood--oo --iyaga qudhooda laga yaabo in la isku khilaafo, maadaama oo waxa la isku raaci karaaba ay dhif yihiin. Wax badan ayaa iska beddalay sidii wax soo ahaan jireen, waana sunne nololeed in waqti waliba wacdarihiisa wato. Isbedalka ku yimi dagaal beeleedyada waxaynnu ka xusaynnaa dhawrkan qodob:

Marka koowaad, Colaadaha beelaha ee hadda dhacaa waxa ay salka ku hayaan siyaasad, oo Haddii waagii hore daaqa xoolaha la isku dili jiray, hadda waxa daaqii ku lamaan siyaasad iyo rabitaanka deegaamaysi cusub. Dhanka kale, qabkii awel la raadin jiray waxa sii labajibaaray casriyowga cusub ee Soomaalidu ku hafatay, taas oo keentay in baraha bulshadu noqdaan halka laga maamulo dagaal beeleedyada ugu badan ee dhaca, si kalana waxa ay sababtay in maleeshiyada is dilaysaa qabkoodii iyo tookhii awel geedka ku eekaa usoo raraan isla baraha bulshada ay halkaa ku soo bandhigaan 'guusha' ay hantiyeen, taa bedalkeedana dharaarta ay guuldarraystaan iyana ay catawgooda halkan la yimaaddaan oo sidii ay xiligii hore go'a u tuuri jireen imikana abaabulka iyo guubaabada u adeegsadeen. "Haddii Soomaalida berigii hore qorigu ahaa waxa argagax geliya, haddeer waxaa badalay baraha bulshada oo ah wax si joogto ah u cabsi geliya." Qoraalkaa oo aan hadda ka hor meel ka akhriyay, waa xaqiiqada ka jirta baraha bulshada.

Marka labaad, waxa arrimahan qayb ka ah, haweenka Soomaaliyeed oo awel ba hurinta colaadaha si uun qayb uga noqon jiray in ay haddana saamayntooda ay dhibaatadan ku leeyihiin sii badatay. Xiliyadaa hore, si kasta oo gabadhi u dooni karaysay in ay qayb ka noqoto colaad, una jeclaysanaysay in reerkeedu wax gaysto, haddana waxa yaraa doorka ay hawshaa ku yeelan karaysay oo codkeedu meel fog ma gaadhaynnin taladana si guud ba loogama qayb galinaynnin, hadda se isbeddalka dhankasta ah ee yimi ayaa keensaday in saamayntii dumarku badato, inkasta oo ay ahayd haweenka xilligani inay fursaddaa wacan ee ay heleen dhanka wanaagsan u adeegsadanna, ma ay dhicine waxa badan dumarka colaadaha huriya, buunbuuniya iyo kuwa ugu daran oo jiidaha dagaalku ka socdo jooga. Isla tagtadii hore ee Soomaalida haddaynnu ku noqonana may dhici jirin in dumarku jiidaha dagaalku ka socdo tagaan oo wax reeban ayay ahayd, markii ugu horraysay ee ay bilaabmeenna waa kolkii jabhaduhu samaysmeen oo la arkay dumar jabhadaha dhexsocda. Si kooban, saamaynta cooladaha oo u muuqda in ay soo labakacleeyeen waxyaabaha shiidaalinaya waxa qayb laxaad leh ka ah haweenka dhanka taban u adeegsaday fursadihii xorriyadeed ee ay la kawsadeen.

Marka saddexaad, colaadaha beeluhu in ay hadda isu beddalaan masrax lagu soo bandhigo dilalka, ku tartanka jariimooyinka iyo foolxumooyin kale oo tirabeel ah, waxa qaybtooda ku leh qurbajoogga Soomaalida oo garaadxumadoodu gayaysiisay in meelihii ay nolol xumada uga carareen oo ay ahayd inay horumar iyo nolol'abuur ka sameeyaan, haddana ka shaqeeya baabi'inta iyo isku dilka dad isku deegaan ah oo iyagu laga yaabo in ay isku duruuf yihiin. Waayihii hore, sida dagaal beeleed u dhacaa waa ay adkayd, waxana sababayay sida rag duullimaad tagaa isu helaan, ama gaadhitaanka ay gaadhayeen halka ay u socdaan iyo dhaqaalaha oo isaga qudhiisu adkaa. Arrimahaa iyo kuwo kale ba wada ay sahlayeen in aan si fudud dagaal ku dhicin, imika se waxa aad u fudud helitaanka gaadiid dagaal oo si fudud ku tagi kara barta loo socdo iyo  dhaqaalaha oo si xintan iyo ficiltan leh looga heli karo qurbajoogga, iyada oo ay shaacsane tahay labada qurbajoog ee labada beelood ee dagaallamaya usoo kala diraya qaadhaanku in ay iyagu meherad qurbaha ku taalla shaah ku wada cabayaan oo ku sheekaysanayaan.                                                                     

Gunnaanad:

Isbedalada ku dhacayay sida ay ku imanayeen dagaalada beeluhu oo marba xiligooda la duruuf ahaa, waxa ay hadda ku jiraan xilligii sida la wada qirsan yahay ay ugu liiteen, maxaa yeelay, si lamida sida ay dadku ugu riiqmeen colaadahaa, waxa iyana ku dhintay qaayasoorradii bulshada ee akhlaaqiyaad iyo waxyaabo la xeeriyaba lahaa. Qiyamka iyo gobannimada oo sida aynnu hore usoo sheegnnay bulshada ku waynaa ayaa ka mid ah waxyaabaha ay salfadeen colaadahan casriga ahi. In kasta oo dadka qaar ku doodaan asalkaba meel dagaal ka socdo in aan laga filan (Moral) iyo gobannimo, haddana marka dib loo eego hiddihii qumanaa ee Soomalida si kasta oo la isu dilayay waxa jirayay xuduudo iyo xeerar aan la dhaafin, kuwaas oo xilligan casriga ah ee lagu jirana laga yaabo inay waafaqaan xeerar caalami ah oo dunida ka jira. Haddaba, Sababaha dhibaato keena marka la ururiyo mid uun baa ugu wayn oo kama kacdo noqota, sidaa darteed, foolxumada colaadaha beelaha ee in lagu faanaa shaacsane ka dhex noqotay bulshada waxa loo aanayn karaa qaadhaanka ay soo shubaan qurbajoogga Soomaalidu, kaas oo fududeeyay si kasta oo hub, ciidan iyo rag dagaallama ba lagu heli karo. Waxa soo raaci kara qalalaasaha joogtada ah ee ka taagan baraha bulashada oo arrimihii geedka iyo xeerkii kaynta ayaa halkan usoo guuray, ama dadkoodii baa bartan isku helay, sidaa darteed haddii baraha bulshada laga filayay gole cusub oo bulshada waxtar u leh hadda waxa muuqata in uu taas lidkeeda noqday. Dhanka kale, faqriga iyo hayn la’aanta baahsan ee sumadda Soomaalida noqday waxa ay door wayn ku yeesheen colaadaha waqtixaadirkan dhaca, sababta oo ah dagaaladu inta ay imika doonis u dhacaan waxa ka badan inta ay u dhacaan rabitaanka ilo dhaqaale oo dad baa ku dhaqan galiyay halhayskii ahaa ‘laba qaylo dhexdood ayay qado noogu jirtaa.’

Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce

Dool