Xasuus magaalo.

Waqti laba saac ku dhaw ayaan gaadhi sugayay oo guux dhagaysanayay. Irridda meherad yar baan fadhiyay intii badnayd, waan se kackacayay oo marba dhan qabanayay. Islaan da'du soo hayso oo hadal badan iyo gabadh ay dhashay baa joogay meheradda, kursi bay i siiyeen oo aan meel hadh leh la raadsaday. Sandaqad dhawr geed laga hor beeray, mutul ka sii danbeeya iyo aqal Soomaali dheegga ku haya baa u dhisnaa. Tacabka ay galiyeen wuu muuqday, hase ahaatee, waxa ka maqnaa quruxdii carruurta iyo bardoodankoodii.

Gabadhu waxa ay taleefan kula hadlaysay ninkeedii oo askari ah, goob dagaalna ku maqan. Way gacal waraysanayay. Cid aad garanayso haka ag fogaan bay ku waanisay. Way ka welwelsanayd maqnaanshihiisa oo dhafoorkeeda ayuu ka muuqday. Isba muu jeclaysanayn in uu gacaladiisa ka fogaado. Hadal ka farxiyay marna hilaw iyo xasuus ku beeray buu ku yidhi, muusoodka ay la dhoolcaddaysay baan ka gartay. Waayahaye, ila soo hadal oo khayr baan kuu dhaafay, ayay ku macasalaamaysay. Waa su'aal da'wayne maxay buu jacaylku, marwalba ugu jiraa meel adag. Waa imtixaan nololeed oo la is mariyo. Samraa hela.

Cabaar baan sii fadhiyay oo ka fikiray xaaladda gabadha, askariga iyo taydaba. Waa nin dagaal sugaya si uu u noolaado. Marwo ninkeeda sugaysa si ay isu la farxaan oo ay u weheshato iyo aniga oo sugaya gaadhi i geeya magaalada aan u socdo si ay maalintuna iigu sii socoto. Waa macnaha nolosha oo sugitaanka iyo rejadu waa matoorka dhaqaajiya. Bal sawiro nolol bilaa rejo ah. laakiin, inta aadan taa sawirannin is waydii in rejo la'aanteed nololi jiri lahayd. 

Ceelal dhawr ah baa ku yaalla magaalada. Wuxuba way igu dhawyihiin. Mid baan mar hore soo eegay oo markiiba ka soo noqday. Imika se mid igu beegan baa Geel laga waraabinayaa. Heesta ninku ku xarragoonayo baa hilaw igu ridday oo waxa aan u kacay dhankiisa. Saddex nin bay ku waraabinayaan geela. Heeso dhawr ah bay isu jiibinayaan. Fanka waan jeclahay. safarkana waan jeclahay. labadaba waxaan ka sii jeclahay Geela. Halkan iyo daqiiqadahan intiiba way kulmeen. Nasiib wanaag bay ahayd. Daawasho ayaan ugu dhaqaaqay geela, Irmaan iyo gaane. Abeer naaxay iyo aaran durdurinaya oo awooddiisa aan jeclaystay buu isugu jiray. Halo imika dhalay oo nirgihii laga reebay baa ku jiray. Waa quruxdiisa geel dhalay iyo dhaqanka xoolaha. 

"Maxay badisaa

Ama badataa

Bishii dhalataba

Baabuur guuxiyo

Belay aragtaa" 

Inta uu ugu heesay oo wadaantii ka soo dhuftay ceelka ayuu ugu shubay biyaha. Labadii kale na way u jiibiyeen. Baabuurku kan aan sugayo miyaanu ahayn, maxaa loo sharaysanayaa baan niyadda ka idhi. Haddana, geel yaqaan baan ahay ee wixii loogu heesaba in uu mutaystay baan isku waaniyay. Hadal googoos ah baannu raggi isku tuurtuurnnay. Geela wax ka bixiya iyo si fudud kuma bixinno baan is waydaarsannay. Kaftan gobeed buu ahaa e, cabaar kale ayaannu sheekaysanay. Dabcan, waxa ay iga dareemeen xiisaha aan u hayo noolahan cajiibka ah, haddii ay i warsadeenna, reer Hawd baan ahay baan kaga gudbbay. 


Ceelka Fadhigaab

In yar kolkii aan ka soo dhaqaaqay ayaan guux gaadiid maqlay. Wadada ayaan u soo degdegay oo gacanta u haadiyay. Wuu i dhaafay. Mid kale ayaa i dhaafay. Laakiin, ilaa saakaba sidan bay ii dhaafayeen. Dadnnimadu waa dhalan e, ragga gaadiidka wada qaar baa inta ay istaagaan kuu sheegaya in ay buuxaan, ama cudur daar kale. Qaar kalana inta ay xawaaraha kordhiyaan oo leewarka canaantaan bay xanfarayaan. Waa uun abuurta aadanaha ee kala tagsan. Xoogaa ka dib, aniga oo kursigaygii ku noqday ayuu gaadhi soo muuqday. Waan u kacay oo joojiyay waxana ii suurta gashay in aan raaco. Waxa aan u mahad celiyay gabadhii kursiga i siisay oo macasalaameeyay. 

Xagga hore ayaan fadhiistay oo markii aan meel isku hubsaday baan dib u qooraansaday inta qof ee gaadhiga saaran iyo wajiyadooda. Faduul bay ahayd. Dad safar dheer soo galay bay ahaayeen oo diif baa ka sokaysay. Gabdho qurux u dhashay imika se qorraxda iyo daalku ka muuqdo baa isoo xigay. Waayeel da' ah oo xasuusto daysay baa dhurmaya, nin aan fili karo in uu dhalay baa aamusiintiisa ku hawllan oo xaaladdiisa la tacaalaya. Magaaladii aan ka soo raacay ta xigta ayay u socdeen aniguna halkaas baan isu diyaariyay in aan gaadhi kale daydaydo. 

Maqaaxi waddada saaran baan kursi xagga hore yaallay ku fadhiistay, shaahna dalbaday. Koob kulul oo xawaash leh ayaan gacmaha inan firfircoon kala degay. Quud buu ahaa saacado lagu qadi karo. Dhulkan oo dhan si isku mid ah baa loo ga noolyahay. dadku waa isku dabeecad. Deegaankuna waa isku muuq. Duunyada qudheeduna waa isku dhogor. Sidaa darteed, tuuladani waxba kagama duwana tii aan gaadhiga ka soo raacay.

Sidii aan soo ahaa maantaba waxa aan ku hawllanahay guux dhagaysi iyo jeedaalinta wax i sii qaada. Gudaha maqaaxida buuq badan baa ka jiray, dhawr nin baa isu celcelinaya hadal. Siyaasadda, diinta iyo suugaan bay isaga gudbayeen. Dhanka suugaanta ayay aad ugu wacnaayeen, diinta way khasbayeen oo masalooyin badan bay ku tunteen. Siyaasadduna falanqayn bay ka ahayd iyo qof iyo aragtidii.

Suugaanta se, heeso, gabayo iyo riwaayado ay yaqaannaan bay sheekada ku jalbeebinayeen oo isla fahmayeen. waan u bogay, waxana aan ka fahmay quruxda ay leedahay in qofku wax uu yaqaanno ka sheekeeyo. 

"Xuuralcaynti dunidee 

Daawashada u timidee 

Dalka lagu mannaystaay".

Nin baa cod hallaasi ah ku qaaday, ilaa aan kursigii ka kacay oo gudaha hore u galay wajigiisana halhaleel ku helay. Cabaar buu sii qaadayay oo la la jiibiyay, anna waxa aan gudihii ka soo baxay anoo hoos u leh: "Durdur iyo xareedeey, doog iyo ugbaadeey"

Gaadhi baa isa soo taagay oo aan boos ka helay. Markan, halka ugu danbaysa baan fadhiistay oo dadku aniga ayay isoo eegayeen. Safar gaaban baan soo galnay oo ugu danbayn nimi halkii aan u soconnay. Gaadhigani magaalada ayuu ku ekaa. Dadkii way soo wada degeen oo qofba jiho afka saaray.

Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce

Dool