Maaraj, 2025

 Maaraj, 2025.

Markii ugu horraysay ee aan magaalada imaaddo ayay ahayd. In kasta oo daal safarka la xidhiidhaa jiray, haddana waxa aan dareemayay jawi deggan iyo xasilooni laabtayda xushay oo ay magaaladu igu soo dhawaysay. Durba waan ka helay. Cimilo qabow xigeen ah bay lahayd. Hal waxbaan se u aanayn karaa in aan si fudud ula falgalo goobtan igu cusub. Qaladii martinimada iyo dabeecaddii xidhxidhnaanta ahaydna aan isaga waayay. Xasuusta aan dib u celiyo. Muddo ka hor, ama dheh in badan oo noloshayda ka mid ah waxa aan ku soo qaatay magaalo tan si kasta ugu muuq eeg. Ceel'afwayn sababtaa darteed bay ruuxdu ula falgashay. Dhirta, daaraha iyo xitaa dadku sida ay uga noolyihiin waa iskaga mid. Waa ay is shabahaan wax badan. Markii aan sababtaa qiil ku filan u helay, ayaan hore u xulay suuqa oo indha indhayn iyo barasho ugu dhaqaaqay. Wax badan baan u fiirsaday oo ka bogtay dhismayaasha gaagaaban ee qadiimiga ah.

Abuurta dadku waa cajiib, oo waxa aad mooddaa in ay si isugu xidhan yihiin. Qof aad daqiiqado yar ka hor baratay ayaa kuu la eekaanaya mid kale oo aad ku dhawaad tobaneeyo sano taqaannay. Waa adigaa ku sigtay in aad ku faduuliso meel baan kugu arkay iyo qof baad u eegtahay, haddana intii aanad farriintaa ku tuurin iskaga aamusay.

Laga yaabee in adiga oo hadal ka cararaya aad sababtaa uga gawsqabsato, waayo dad iyo duur ba wax aanad ka filaynin baa kaa ga soo baxa. 

Si kale, waakii gabyaagii lahaa:

"Dad ba haybso mooyee ayaan sii hondo ogaannin

Hebaloow ma nabad baa ayaa hore u waydaaran."

Dhawr qof oo rag iyo dumar ba leh ayaan dad kale ku soo soocay oo niyadda iska idhi hebel goorma halkan yimi iyo heblaayo xillima ayay timi. Waan se ka gudbay.

Dad kooban ayaa si teelteel ah u dhexmarayay magaalada. Dumar iyo carruur bay u badnaayeen oo doorkii raggu wuu dhinnaa. Haddii aad ka fikirtay sababta, anba waan ka fikiray e, waxa keenay in magaalada colaad ba'ani ka jirtay muddooyinkii u danbeeyay oo dhan. Taas oo keentay in goobo badan la gu kala baxo oo qof waliba uu yeeshay meelo gaar ah oo uu nafta ku aamino iyo goobo gaar ah oo uu ka caagay. Asalkaba, waxa ay ahayd dad sidan isugu dhowi in ayna ku degdegin colaadda. Haddii ay dhacdana ay is dabaqabtaan, halkan se xalku faraha ayuu ka baxay xakamayna ma uu helin.

Cabaar kolkii aan soo warwareegay ayaan ku soo laabtay halkii aan ku degay ee maalmaha soo socda hoyga ii ahaan lahayd. Meel iftiin yar leh oo laydhka meheradda aan daba maray ayaan kursi dhigtay oo fadhiistay. Rag xoogaa ah baa igu dhawaa oo sheekadoodu isoo gaadhaysay. 

Dagaal bay ku saabsanayd. Beelo wax dhow isu ah baa dhuldaaqsimeed isku laayay. Raggani, maadaama ay muddo badan colaad iyo dagaal marti u ahaayeen, waxa ay u warramayeen si waaya'aragnnimo leh. 

Dhanka kale, kama ay qasnayn oo caloolxumo badani kama muuqan, dhiillana ha sheegin. Aniga se, welwel bay igu haysay xaaladda dadkaa xoolaraacatada ah ee sida shilka ah isu dilay. Aannan qiyaasi karo in dirirtoodu wax aan macna lahayn ka bilaaban tay. Marka se lagu fiiriyo curfiga deegaanka iyo qaayasoorka bulsheed, waxa ay isugu biyashubanaysaa qolo la damaaciyay iyo qolo qabkooda ilaashanaya, dabadeed waxa ku kala dhintay tobaneeyo qof. Waxa iyana xusid mudan dad kale oo isu xilqaamay si ay nabad u kala dhexdhigaan dadkaa walaalaha ah ee isku baxsaday; dhanka kale, magaaladan qudheeda waxa jira dad guurti ah oo guntiga u xidhay in ay wadanoolaanshihii soo celiyaan. Labadaba aan u rejaynno in ay helaan nabad midha dhasha, si ay ugu noolaadaan nolol habboon.


Halkaygii aniga oo wali fadhiya shaacuna si wacan u madoobaaday oo gudcurku is ballaadhiyay, ayaa wiil da' ahaan yar oo sagaal ama toban jiraa igu soo dhawaaday. Weel meesha yaallay buu qaadayay iyo kuraas laga kacay. Wuu i salaamay, aniguna salaan iyo waraysi kale ba u sii raaciyay. Xoogaa kolkii uu maqnnaa ayaa uu soo noqday oo igu yidhi: "Meesha ka soo kac. Qoladii baa marmar halkaa wax ka soo rida e." Waa labada beelood ee magaalada isku dila mid ka mid ah. Dabcan, sabab la'aan bay kuugu dhici kartaa xabaddaasi, cidda aad doonto ahaw. Se cid la rabo baad ka ag dhawayd. Waan ka soo kacay meeshii oo gudaha imi. Barre oo wiilka yar ah baan xoogaa sii sheekaysannay. Waanan ka fikiray saamaynta colaadeed ee wiilkan yar saamaysay iyo baanta nafsadeed ee uu u baahan yahay. Culays aanu qaadi karin in la saaray baan ka xumaaday. Isaga oo yar in uu yeeshay cadaw uu iska ilaaliyo oo laga yaabo in aanay isba aqoon ayaa ila noqotay wax laga murugoodo. Calool adayg waa ilaahay wehelkii e, ragannimadiisa dhalanka ah baan ku amaanay oo kula sii kaftamay in aanu qori qaadan ee uusan taladaa maraba yeelin. 

Xabad baa dhacday. Mid kale ayaa la riday. Ilaa saqdhexana sidaa teelteelka ah bay u soconaysay. Wax la sharaysto ma aha in adiga oo dhul Soomaali jooga xabadi dhacdo, mararka qaar se waa yara qariib, kolka aad ka timaaddo meel ayna shidadaasi ka jirin. Axmed Mooge iyo xer kale oo ku heesaysa ayaan hadda ka hor dhegaystay:


"Xabad la isku rido

Xal ma noqon kartee

Aan xisaabtannee

Xero nabadgelyooy

Xaggee naga xiggaa"? 

Qiyaastayda waa mar dagaallo ka jireen geyiga oo la karhay dhibaatada. Ma wax ka wacan baa jiray, in Axmedkii qaaday heesaha masciideed, miyaan xalayto jiifsaday, rag baysku toogtay iyo damaqjacyl in uu markan nabadoon yahay oo codkiisii sheegganaa nolol ku raadinayo. Allaylehe maya.

Nin wayn oo digtoorka magaalada ah baa ka mid ahaa dadka aan sheekaysannay. Marka magaaladan la joogo waa dadka wax laga waydiiyo taariikhdeeda ee tagtadii hore iyo haddaba fahan buuxa ka haysta. Muddo soddon sano ku dhow horteed waxa uu ahaa maamulaha cusbitaalka guud ee Burco, sida uu iiga warramay. Iyada oo ay maalmuhu u wanaagsanyihiin baa dagaalkii 94kii bilaabmay, dharaartaas baan halkan imi oo nolol ka bilaabay buu yidhi. Wali waxa ina dabacsocda saamaynta taban ee colaaduhu innagu yeesheen, waayo odaygan iyo jiil badan oo la mid ahi waxa ay tirsanayaan in noloshoodii ay rabeen laga barakiciyay oo meelo aanay waligood qorshaysan la baday. Si kastaba ha ahaatee, surin kasta, luuq kasta iyo dariiq kasta waxa buuxa dad wax tabanaya, aakhirkana eelku waxa uu isugu ururayaa caddaalad darro. Bal su'aal u celi maydkan, sababtuu u go'ay raadi?  Caddaaladxumo iyo waxtirsi baan kaga jawaabay su'aashaa Hadraawi.

Ceel'afwayn

Waxa aan jeclaystay nabad buuxda oo magaaladan ka dhalata. Waayo, carruurta yaryar ee dugsiyada ku socda mustaqbalka wanaagsanna u qalmaa, ma mudna in ay ku dhex koraan dunida sidan ah. Daryeel bay xaq u lahaayeen. Waayeelku iyana waxa ay tamaniyayeen xasilooni si ay u helaan waqti ay ku cibaadaystaan, foolashooda ayaan ka akhristay in ay baahidaa qabaan.

Comments

Popular posts from this blog

Cawayskii Bedbaadada

Galabtii Jimce

Dool