Fallada buugga 'The productive muslim'
Waxan akhriyay buugga 'The productive muslim':
Buuggan oo uu qoray Mohamed Faris, oo ah tababare iyo qoraa u dhashay Tansaaniya, waxa uu ka ga warramay sida qofku u noqon karo mid waxsoosaar leh oo hawlaha uu ku foogan yahay ka dhigi kawa macna leh.
Qoraagu waxa uu ku talinayaa si aad u noqotid qof waxsoosaar leh waxaad ugu horrayntaba u baahan tahay saddexdan. 1. In aad ujeed leedahay. 2. in aad tamar ku bixiso waxa aad rabtid in aad qabato. iyo 3. in aad waqti u hurto waxa aad rabtid.
Haddii aad ujeedkii iyo waqtigii la timaaddid oo ayna tamari jirin, dedaalkaagu wuxu noqonayaa hal bacaad lagu lisay. Haddii aad haysid waqti badan iyo tamar xooggan oo aan ujeed jirinna waa la mid. Si kooban, saddexaa dhadhaar baa aasaas u ah in waxsoosaar fiicani dhasho, haddii midkood maqan yahayna waxa laga dhaxlayaa waa uun daal.
Sidaa darteed, hawl kasta oo macna leh waxa ay ka dhalataa marka hadafka, tamarta iyo waqtiga la kulmiyo.
Dhanka kale, waxa uu qoraagu tibaaxayaa dhawr wax oo aan marag u noqon karin in qofku ku hawllan yahay hawl waxsoosaar leh. Waad is moodsiin kartaa inaad hawl wayn haysid, dhabtu se waa sidan lidkeeda.
1. Markasta in aad mashquulsan tahay kama dhignna in aad wax tayo le ku hawllan tahay. Waayo, maalin iska dhan baad mashquulsanaan kartaa, hase ahaatee waxsoosaar la'aan baad noqon kartaa. Si kooban, waqtigaaga, ujeedkaaga iyo tamartaadaba waxa aad ku lumin kartaa wax macna la'aan ah, kuwaas oo aan noloshaada wax qiimo ah ku soo kordhin doonin. Markaa, waxa jiri kara mashquul aan wax macna ah lahayn.
2. In aad hal maalin hawl macna leh qabtay oo si shil ah ku timi, ma aha wax kaa ga marag kacaya in aad tahay qof waxsoosaar leh. Waayo, waxsoosaarku ma aha wax hal maalin dhici kara sida mucjisada. taas lidkeeda waa wax waqti qaata oo maalin iyo bilo socda ilaa laga gaadho in ay noqoto caado.
3. waxsoosaarku ma aha in aad had iyo heer caajis tahay ama daallan tahay. in aad asxaabtaada la kulmi waydid, waqti fiican naftaada u heli waydid oo dabiicinimadii ka tagtaa ma aha waxsoosaar. Si kooban, adiga oo waxqabad ku hawllan ayaad hawlahaaga kale na wadan kartaa.
Intaa waxa uu qoraagu ku daray, in qofku aanu mar walba noqon karin qof waxsoosaar leh. Waayo, qofku ma aha aalad, waad daali kartaa oo nasasho u baahan kartaa, sidaas darteed ha u dhaqmin si ka baxsan dabiicinnimada. Muhiimaddu se, waa in nasashadu ayna noqon mid kala tuurta waxsoosaarkaaga oo caadadaadii aanay beddalmin.
Dhanka kale, qoraagu waxa uu xusay, sababta keentay in marka dunida la joogo qofka muslimka ahi uga waxsoosaar liito dadyowga kale.
Isaga oo xiganaya Dr. Ahmed Al-Omari, waxa uu carrabaabay shan wax oo dadku fahan khaldan ka qaateen, taasina ay sababtay in qofka uu yaraado in uu hawl macna leh qabto. Waxa ka mid ah:
Aduunyada, Ducada, Samirka, Xaqa iyo Qaddarka. Shantaas qodob waxa uu qoraagu ku faahfaahiyay buugga isaga oo mid walba is dultaagaya. Waxana uu sabab uga dhigay waxsoosaar la'aanta qofka muslimka ah. Tusaale, hawl ficil u baahnayd baad duco kaga gaabsatay, waa in aad ogaatid in aan waxsoosaar imanaynnin.
Xidhiidhka ka dhexeeya deganaanta ruuxda, jidhka iyo waxsoosaarka ayuu qoraagu iyana xusay, oo ruuxda waxyaabaha wanaajin kara waxa ka mid ah, niyadda wanaagsan. Sidaas darteed, ruuxda waxa uu ku tilmaamay dunta isku xidha ujeedka, tamarta iyo waqtiga aynnu ku noqon karno dad wax soo saar leh. Halka waxyaabaha jidhka ka dhigi kara mid waxsoosaarka ka qayb qaata ay ka mid yihiin, hurdada, nafaqada iyo jimicsiga.
Comments
Post a Comment