Posts

Showing posts from April, 2025

Fallada buugga 'The productive muslim'

Waxan akhriyay buugga 'The productive muslim': Buuggan oo uu qoray Mohamed Faris, oo ah tababare iyo qoraa u dhashay Tansaaniya, waxa uu ka ga warramay sida qofku u noqon karo mid waxsoosaar leh oo hawlaha uu ku foogan yahay ka dhigi kawa macna leh. Qoraagu waxa uu ku talinayaa si aad u noqotid qof waxsoosaar leh waxaad ugu horrayntaba u baahan tahay saddexdan. 1. In aad ujeed leedahay. 2. in aad tamar ku bixiso waxa aad rabtid in aad qabato. iyo 3. in aad waqti u hurto waxa aad rabtid.  Haddii aad ujeedkii iyo waqtigii la timaaddid oo ayna tamari jirin, dedaalkaagu wuxu noqonayaa hal bacaad lagu lisay. Haddii aad haysid waqti badan iyo tamar xooggan oo aan ujeed jirinna waa la mid. Si kooban, saddexaa dhadhaar baa aasaas u ah in waxsoosaar fiicani dhasho, haddii midkood maqan yahayna waxa laga dhaxlayaa waa uun daal.  Sidaa darteed, hawl kasta oo macna leh waxa ay ka dhalataa marka hadafka, tamarta iyo waqtiga la kulmiyo. Dhanka kale, waxa uu qoraagu tibaaxayaa dhawr wax oo a...

Xasuus magaalo.

Image
Waqti laba saac ku dhaw ayaan gaadhi sugayay oo guux dhagaysanayay. Irridda meherad yar baan fadhiyay intii badnayd, waan se kackacayay oo marba dhan qabanayay. Islaan da'du soo hayso oo hadal badan iyo gabadh ay dhashay baa joogay meheradda, kursi bay i siiyeen oo aan meel hadh leh la raadsaday. Sandaqad dhawr geed laga hor beeray, mutul ka sii danbeeya iyo aqal Soomaali dheegga ku haya baa u dhisnaa. Tacabka ay galiyeen wuu muuqday, hase ahaatee, waxa ka maqnaa quruxdii carruurta iyo bardoodankoodii. Gabadhu waxa ay taleefan kula hadlaysay ninkeedii oo askari ah, goob dagaalna ku maqan. Way gacal waraysanayay. Cid aad garanayso haka ag fogaan bay ku waanisay. Way ka welwelsanayd maqnaanshihiisa oo dhafoorkeeda ayuu ka muuqday. Isba muu jeclaysanayn in uu gacaladiisa ka fogaado. Hadal ka farxiyay marna hilaw iyo xasuus ku beeray buu ku yidhi, muusoodka ay la dhoolcaddaysay baan ka gartay. Waayahaye, ila soo hadal oo khayr baan kuu dhaafay, ayay ku macasalaamaysay. Waa su'aal d...

Maaraj, 2025

Image
 Maaraj, 2025. Markii ugu horraysay ee aan magaalada imaaddo ayay ahayd. In kasta oo daal safarka la xidhiidhaa jiray, haddana waxa aan dareemayay jawi deggan iyo xasilooni laabtayda xushay oo ay magaaladu igu soo dhawaysay. Durba waan ka helay. Cimilo qabow xigeen ah bay lahayd. Hal waxbaan se u aanayn karaa in aan si fudud ula falgalo goobtan igu cusub. Qaladii martinimada iyo dabeecaddii xidhxidhnaanta ahaydna aan isaga waayay. Xasuusta aan dib u celiyo. Muddo ka hor, ama dheh in badan oo noloshayda ka mid ah waxa aan ku soo qaatay magaalo tan si kasta ugu muuq eeg. Ceel'afwayn sababtaa darteed bay ruuxdu ula falgashay. Dhirta, daaraha iyo xitaa dadku sida ay uga noolyihiin waa iskaga mid. Waa ay is shabahaan wax badan. Markii aan sababtaa qiil ku filan u helay, ayaan hore u xulay suuqa oo indha indhayn iyo barasho ugu dhaqaaqay. Wax badan baan u fiirsaday oo ka bogtay dhismayaasha gaagaaban ee qadiimiga ah. Abuurta dadku waa cajiib, oo waxa aad mooddaa in ay si isugu xidhan yih...