Posts

Showing posts from May, 2025

Casriyowga colaadaha beelaha:

Image
Dagaalku waa wax soo jiray tan iyo intii aadanuhu jiray ee dhulka ku dhaqmay. Waa wax nolosha ka mid noqday, had iyo jeerna wuxuun buu ka dhashaa damaca aadanaha ee sedbursiga jecel, dulmiga iyo caddaalad darrada cidi tirsato. Qeexitaannada falsafadda dagaalku waa ay badan yihiin oo filasoofarro badan iyo gabyaa badan oo Soomaaliyeed ba waxay iska taageen dhinacyo kala duwan, dabcan aragtida shakhsiga ah iyo ta bulshaduna kama madhna qeexitaannadaa. Sida uu Saxardiid Axmed ku soo xiganayo maqaalkiisa 'Falsafadda dagaalka' 'taariikhyahankii iyo siyaasigii Daanishka ahaa ee Hugo Grotius (1583-1645) wuxuu ku qeexay in dagaalku yahay xaaladda u dhaxaysa laba dhinac oo loollamaya. Filasoofarkii Ingiriiska ahaa ee Thomas Hobbes (1588—1679) wuxuu ku sheegay dabeecad oo waa xaalad xitaa haddii aan hawlgallo furimaha la iskaga hor imanayaa aanay jirin taagan, marba haddii uu jiro wax lagu hirdamayaa'. Aragtidan Thomas waxaynnu odhan karnaa waa halka aynnu Soomaali ahaan ka adeeg...

Dhoollacaddee!

Image
Barashadu lababa si gaar ah bay ugu bilaabantaa. Safar, derisnimo ama si kale. Intaas wixii ka danbeeya ayaa lagu kala duwanaadaa tarminta sheekada, quwaynta xidhiidhka iyo qotodheeraanta isfahanka. Waxay dhahaan xidhiidhadu waa sida ganacsiga oo lababa waa halkii ay iska hesho iyo sidii ay isu fahmaan. Waa war culimada jacaylka ka yimi. Labadooda waxa ay qaddartu kulmisay iyaga oo yaryar kolkii ay daris noqdeen ee waxbarasho iyo waayo-carruurnimo oo badan ba wadaageen.  Gu' ama labo ayuu ka waynaa, taas oo marar badan keenta in uu ku xifaaliyo oo ku doodo waan ku korsaday e carruur baad ahayd. Iyaduna waxa ay kaga falcelisaa dareen gabadhnimo oo xishood iyo u riyaaqba isugu jira. Kaftan baa jacayl dhala. Sida ay mucaashaqiintu ku doodaan, iyaguna kala siman yihiin, waxa ay qabaan in la isu abuuray oo ruuxdoodu ifka ka hor is taqaannay iyaguna markii ay adduunka yimaaddeen is gacloodeen oo xidhiidhkoodii ilaa dura soo taxnaa sii xoojiyeen. Waa dareen macaan oo ay isku sabaaliyaan w...